Thursday, May 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DF oo gaaray deegaanka Bariire oo laga xoreeyay Al-Shabaab+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DF oo gaaray deegaanka Bariire oo laga xoreeyay Al-Shabaab+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa manta gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose si ay ugu kuur galaan xaalada deegaanka iyo baahiyaha ka jira oo ay ka mid tahay dhismaha buundada marta bartamaha Bariire.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) waxaana qeyb ka ahaa wasiir ku- xigeenka Arrimaha Gudaha Soomaaliya,Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, Wasiirro dowladaha Xafiiska Ra’sal wasaaraha, Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

May 7, 2026

Wafdiga oo ugu horeyn kulan xog wareysi ah la qaatay saraakiisha ciidanka xoogga ee gacanta ku haya deegaanka kadib waxa ay kormeereen Buundada Bariire  oo ay Al-Shabaab burburiyeen sanadkii 2017 si ay u qiimeeyaan Injineero la socday wafdiga.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa wafiga ku soo dhaweeyay Bariire wuxuuna sheegay in deegaanka ay xasiliyaan ayna rajeynayaan in la gaarsiiyo dadka deegaanka adeegyadii ay u baahnaayeen oo ay ku jirto dhismaha buundada Bariire.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa tilmaamay in dhismaha Buundada Bariire ay muhiim u tahay nolosha dadka deegaanka .

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Isaaq Maxamed  Maxamuud oo wafdiga qeyb ka ahaa waxaa uu tilmaamay in wasaaradu ay ka shaqeynayso sidi dib loogu soo celin lahaa deegaanka adeegyadii nolosha muhiimka u ahaa iyada oo kaashanayso hey’adaha dowladda.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid cabdullaahi waxaa uu dadka Bariire ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidanka ayna wasaaradu diyaar u tahay in adeegyada caafimaadka la soo gaarsiiyo deegaanka.

Wasiiro Dowlaha Xafiiska ra’iwasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa dhankisia  in maadaama lagu jiro todobaadka xorriyadda ay ku faraxsan yihiin inay waqti la qaataan ciidanka xoogga ee xureeyay deegaanka Bariire dowladda ay ka garab taagan tahay dadka deegaanka.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya xasan Cali Maxamed oo hoggaaminayay wafidga waxa uu sheegay in ciidanka Dowladda sii wadayan xureynta deegaanada ay haraadiga ku yihiin Al-shbaaab iyo ka shaqeynta xasilinta deegaanada la qabtay.

Previous Post

Allaha u naxariisto Marxuum Maxamed Qanyare oo Muqdisho lagu Aasay+Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya+Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya+Sawirro

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xarigga ka jaray qeybo si heersare...

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

May 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka Difaaca...

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashigooda dhanka Istaraatiijiyadda ah

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashigooda dhanka Istaraatiijiyadda ah

May 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta kulan la yeeshay...

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

May 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Ayuub Ismaaciil ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda International Organization...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In