Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka qeyb galay kulan looga hadlayay mashaariicda Bangiga Aduunka ee ka faa’iidaysiga biyaha “Sawirro”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka qeyb galay kulan looga hadlayay mashaariicda Bangiga Aduunka ee ka faa’iidaysiga biyaha “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanaka waxaa shir guddoominayya Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Soomaaliya waxaana goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka tamarta iyo kheyradka biyaha, masuuliyiin ka socotay xafiiska Ra’isalwasaaraha, wasaaradda Qorsheynta iyo wakiilka Bangiga aduunka ee Soomaaliya Hugh Riddel

Bangiga aduunka ayaa kulan ku soo bandhigay qiimeyn laga sameeyay dhulka qalalan ama aanu wabiga marin ee dalka iyo dadka nool sida ugu wanaagsan ee ay uga faaiidaysaan karaan biyaha iyo beeraha oo bangigu ugu talagalay mashruuc ay ka baxayso 42 milyan oo doolar.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Dowladda federaalka Soomaaliya Prof Cabdullaahi Sheekh Cali ( Qaloocoow) waxa uu sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u leeyahay dalka.

“waa lacago lagu fulinayo mashruuc Beero, xoolo iyo biyo oo isla socdo oo dalka oo dhan ah. qeybtiisii hore waxaa laga fuliyay Somaliland waxaa ku xigtay Puntland hadana waxa laga fulinaya dhammaan dowlad goboleedyada kale, waa mid muhiimad weyn leh waxaana uu wax ka taraya  beeraha roobka lagu falo iyo biya celinta” ayuu yirri Wasiir ku xigeenka Maaliyadda

Wakiilka Bangiga Aduunka Hugh Riddel waxa uu tilmaamay mashruucaan inuu taageero soo kabashada bulshada ku nool dhulka aanu wabiga marin.

“Mashruucani  waa mid muhiim ah bulshada una wanaagsan, dadku waa ay fahmayaan muhiimada biyuhu u leeyihiin iyo caqabadaha ka heysta heer bulsho, waxay wax ka qabanayaan hantida bulshada sida barkadaha, baliyada iyo biya xereenada, mashruucaan waxaa uu ka biloowday Soomaliland iyo Puntland, Soomaaliya waxa ay samaynaysaa hormar dhinaca maamulka maaliyada ah iyo daqliga waxaan dareemaynaa kalsooni waxaan maalgalinaynaa wax badan, waxaan balaarinaynaa mashruucaan waxaana gaarsiinaynaa Galmudug iyo Koofur galbeed si ay u soo kabtaan, mustaqbalka dhowna waxaan u dhaqaaqaynaa Hirshabeelle iyo Jubbaland” ayuu  yirri Wakiilka Bangiga Aduunka

La’aanta keydadka biyaha roobka xiliga uu da’ayo si looga faa’iidaysto waqtiga roob la’aanta waa mid ka mid ah caqabadaha haysta dadka ku nool miyiga waxaana mashruucani uu noqon karaa mid wax ka tara helida keydadka biyaha hadii uu u  hirgalo sida loogu talagalay 5 sano ee soo socota oo uu mashruucani soconayo.

Cabdishakuur Cali Axmed

 

Previous Post

Shirka saddex billaha ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ka furmay magaalada Baydhabo+Sawirro

Next Post

Shirka Howlaha Xasilinta dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Shirka Howlaha Xasilinta dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Shirka Howlaha Xasilinta dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In