Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirro ka qeyb galay munaasabad shahaaddooyin lagu guddoonsiinayay arday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladan shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay labaatan arday oo ku guuleysatay tartan ku saabsanaa ka qeyb galka haweenka ee siyaasadda oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, xafiiska Qaramada Midoobay u qabailsan arrimaha jinsiga, ururada haweenka Qaranka iyo kan gobolka banaadir, bulshada rayidka, qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira, Jaamacada dalka, arday iyo marti sharaf kale.

Dhaq dhaqaaqa gabdhaha Soomaaliyeed ee sidii haweenka Soomaaliyeed ay uga qeyb geli lahaayeen siyaasadda dalka, ururka Midowga Ardayda Jaamacadaha magaalada Muqdisho iyo marti sharaftii kale ee kasoo qeyb galay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in ardayda kartida iyo dadaalka muujinaya la dhiira geliyo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas Key ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida midnimada iyo  dowladda Soomaaliya ay u  soo laabatay, ayna dhiiri gelinayaan ardayda Soomaaliyeed ee hal abuurka leh.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaradda Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan “Nuux”, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Khadra Bashiir Cali iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya Muumina Sheekh Cumar oo goobta hadalo ka jeediyay ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qaateen horumarka dalka,  loona baahanyahay in mar walba la taageero.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa tilmaamay in haweenka oo la dhiiri geliyo ay muhiimad u leedahay bulshada Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintii munaasabada ka qeyb galay ayaa waxa ay  shahaadooyin guddoonsiiyeen  ardaydii ku geeleysatay tartankii mudada dhowrka bil ah soo socday, isla markaana ardayda ay ku tar tamayeen ka qeyb galka haweenka ee siyaasadda.

Ugu dambeyn ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya ayaa Samiiro Xuseen Ducaale, Cabdiweli Cabdullaahi Xuseen iyo Faadumo Cabdi Cali  oo ka mid ah dhallinyarada maanta shahaadooyinka la gudoonsiiyay u gartay inay noqdaan danjirayaasha arrimaha horumarinta Haweenka iyo sidoo kale horumarinta dhallinyarada.

Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka oo qaabilay wafdi ka socday Switzerland “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In