Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka qeyb galay xaflad ay ku qalin jebinayeen arday baratay kuliyadda Caafimaadka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka qeyb galay xaflad ay ku qalin jebinayeen arday baratay kuliyadda Caafimaadka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladan oo ay ku qalinjabinayeen 86-dhaqaatiir oo ka qalin jabiyay kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya gaar ahaan Waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda (Bachelor degree) ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo tacliinta sare, Wasiiru dowlaha Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir ku-xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada,Wasiir ku-xigeenka howlaha guud iyo dib u dhiska, maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dr Xasan Saleemaan Maxamed oo ku hadlayay magaca ardaydii maanta xafladda qalinjabinta ah loo qabtay ayaa halkaasi ka balanqaaday in cilmiga caafimaadka ee ay barteen ay wax ugu qaban doonaan dadka Somaaliyeed, isla markaana aysan ka caaijisi doonin u adeegidda bulshada.

Related posts

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026

Madaxa Kuliyadda Caafimaadka Jaamacadda Soomaaliya Dr Yaasin Axmed Nuur Ayaa sheegay in dhaqaatiirta ay soo saartay Jaamacadda ay yihiin kuwa ay sareyso tayada aqoontooda, isla markaana lagu aamini karo howlaha Caadfimaadka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Somaaliya Prof. Ismaaciil Cali Siyaad  oo xafladda ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ardayda, wuxuuna intaasi kadib kula dardaarmay inay ilaaliyaan magaca Jaamacadda iyo anshaxa caafimaadka oo ay noqdaan kuwa ka soo guta waajibaadka ka saaran wax u qabashada bulshadooda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaaliya Mudane Xaamud Cali Xasan ayaa xusay in ka Wasaarad ahaan ay ku dadaalayaan sidii ay ardayda maanta qalinjabisay ay u heli lahaayeen deeq waxbarasho oo ah heerka labaad ee Jaamacadda (Master degree).

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Somaaliya Xaawo Xasan Maxamed oo ugu dambeyn xafladda ka hadashay ayaa sheegtay in dalku uu aad ugu baahan yahay dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo tayo leh, sidaa darteedna ardaydan looga baahan yahay inay wax kusoo kordhiyaan adeegyada caafimaadka oo waxa ay barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

Gabagabadii xafladda ayaa mas’uuliyiintii ka socday dhanka Dowladda iyo madaxda Jaamacadda Soomaaliya waxa ay halkaasi shahaadooyinkoodii ku gudoonsiiyeen ardaydii ka qalinjabiyay Jaamacadda Soomaaliya, kuwaasi oo ahaa dhaqaatiirtii ugu horeyay ee ay Jaamacaddu soo saartay.

Sequence 12.Still001 Sequence 12.Still002 Sequence 12.Still003 Sequence 12.Still004 Sequence 12.Still005 Sequence 12.Still006

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Shaqaale Turki iyo Soomaali isugu jira oo lagu dilay galabta degmada Hodan

Next Post
Waa sidee goobaha ay Caawa Qaraxyadu ka dheceen ee Muqdisho?”HALKAN KA DHAGEYSO”

Shaqaale Turki iyo Soomaali isugu jira oo lagu dilay galabta degmada Hodan

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In