Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka qeyb galay xaflad ay ku qalin jebinayeen arday baratay kuliyadda Caafimaadka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka qeyb galay xaflad ay ku qalin jebinayeen arday baratay kuliyadda Caafimaadka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladan oo ay ku qalinjabinayeen 86-dhaqaatiir oo ka qalin jabiyay kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya gaar ahaan Waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda (Bachelor degree) ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo tacliinta sare, Wasiiru dowlaha Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir ku-xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada,Wasiir ku-xigeenka howlaha guud iyo dib u dhiska, maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dr Xasan Saleemaan Maxamed oo ku hadlayay magaca ardaydii maanta xafladda qalinjabinta ah loo qabtay ayaa halkaasi ka balanqaaday in cilmiga caafimaadka ee ay barteen ay wax ugu qaban doonaan dadka Somaaliyeed, isla markaana aysan ka caaijisi doonin u adeegidda bulshada.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Madaxa Kuliyadda Caafimaadka Jaamacadda Soomaaliya Dr Yaasin Axmed Nuur Ayaa sheegay in dhaqaatiirta ay soo saartay Jaamacadda ay yihiin kuwa ay sareyso tayada aqoontooda, isla markaana lagu aamini karo howlaha Caadfimaadka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Somaaliya Prof. Ismaaciil Cali Siyaad  oo xafladda ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ardayda, wuxuuna intaasi kadib kula dardaarmay inay ilaaliyaan magaca Jaamacadda iyo anshaxa caafimaadka oo ay noqdaan kuwa ka soo guta waajibaadka ka saaran wax u qabashada bulshadooda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaaliya Mudane Xaamud Cali Xasan ayaa xusay in ka Wasaarad ahaan ay ku dadaalayaan sidii ay ardayda maanta qalinjabisay ay u heli lahaayeen deeq waxbarasho oo ah heerka labaad ee Jaamacadda (Master degree).

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Somaaliya Xaawo Xasan Maxamed oo ugu dambeyn xafladda ka hadashay ayaa sheegtay in dalku uu aad ugu baahan yahay dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo tayo leh, sidaa darteedna ardaydan looga baahan yahay inay wax kusoo kordhiyaan adeegyada caafimaadka oo waxa ay barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

Gabagabadii xafladda ayaa mas’uuliyiintii ka socday dhanka Dowladda iyo madaxda Jaamacadda Soomaaliya waxa ay halkaasi shahaadooyinkoodii ku gudoonsiiyeen ardaydii ka qalinjabiyay Jaamacadda Soomaaliya, kuwaasi oo ahaa dhaqaatiirtii ugu horeyay ee ay Jaamacaddu soo saartay.

Sequence 12.Still001 Sequence 12.Still002 Sequence 12.Still003 Sequence 12.Still004 Sequence 12.Still005 Sequence 12.Still006

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Shaqaale Turki iyo Soomaali isugu jira oo lagu dilay galabta degmada Hodan

Next Post
Waa sidee goobaha ay Caawa Qaraxyadu ka dheceen ee Muqdisho?”HALKAN KA DHAGEYSO”

Shaqaale Turki iyo Soomaali isugu jira oo lagu dilay galabta degmada Hodan

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In