Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka tirsan XFS iyo Maamulka Gobolka oo ka qeybgalay kulan lagu qabtay Shibis “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka tirsan XFS iyo Maamulka Gobolka oo ka qeybgalay kulan lagu qabtay Shibis “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiiru-dowlaha Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Cabdikariin Cabdow Xeydar iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay kulan wada-tashi iyo Wacyigelin Bulsho oo caawa lagu qabtay Xarunta Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne), Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Feysal Caraale Afrax, Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal, Odayaasha, Haweenka, Dhalinyarada iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Shibis.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Guddoomiyaha Degmada Shibis Mudane Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali) oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyn Madaxda halkaasi kusoo dhaweeyay, isagoo  sheegay in Bulshada Degmada Shibis ay diyaar u yihiin ka qeyb-qaadashada horumarka, dib-u-dhiska iyo bilic soo celinta Magaalada Muqdisho, la dagaallanka Maandooriyaha iyo Garan-waaga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Bulshada Degmada Shibis la hadlay ayaa ku booriyay dib-u-dhiska Degmada, Bilicda, sugidda Amniga, La-dagaallanka Maandooriyaha iyo in laga qeyb-qaato dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu danbeyn waxaa Munaasabada ka hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo bulshada Degmada Shibis ku booriyay in ay ka qeybqaataan Dib-u-dhiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Garan-waaga, asigoo dhinaca kale ku baaqay in laga wada qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Khawaarijta ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.




















Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Xubnaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyey Odoyaasha Dhaqanka Galmudug xoojinta Midnimada lagu wajahayo Argagixisada iyo xoreynta deegaannada 

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyey Odoyaasha Dhaqanka Galmudug xoojinta Midnimada lagu wajahayo Argagixisada iyo xoreynta deegaannada 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyey Odoyaasha Dhaqanka Galmudug xoojinta Midnimada lagu wajahayo Argagixisada iyo xoreynta deegaannada 

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In