Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka tirsan XFS iyo Maamulka Gobolka oo ka qeybgalay kulan lagu qabtay Shibis “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka tirsan XFS iyo Maamulka Gobolka oo ka qeybgalay kulan lagu qabtay Shibis “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiiru-dowlaha Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Cabdikariin Cabdow Xeydar iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay kulan wada-tashi iyo Wacyigelin Bulsho oo caawa lagu qabtay Xarunta Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne), Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Feysal Caraale Afrax, Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal, Odayaasha, Haweenka, Dhalinyarada iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Shibis.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Guddoomiyaha Degmada Shibis Mudane Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali) oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyn Madaxda halkaasi kusoo dhaweeyay, isagoo  sheegay in Bulshada Degmada Shibis ay diyaar u yihiin ka qeyb-qaadashada horumarka, dib-u-dhiska iyo bilic soo celinta Magaalada Muqdisho, la dagaallanka Maandooriyaha iyo Garan-waaga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Bulshada Degmada Shibis la hadlay ayaa ku booriyay dib-u-dhiska Degmada, Bilicda, sugidda Amniga, La-dagaallanka Maandooriyaha iyo in laga qeyb-qaato dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu danbeyn waxaa Munaasabada ka hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo bulshada Degmada Shibis ku booriyay in ay ka qeybqaataan Dib-u-dhiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Garan-waaga, asigoo dhinaca kale ku baaqay in laga wada qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Khawaarijta ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Xubnaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyey Odoyaasha Dhaqanka Galmudug xoojinta Midnimada lagu wajahayo Argagixisada iyo xoreynta deegaannada 

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyey Odoyaasha Dhaqanka Galmudug xoojinta Midnimada lagu wajahayo Argagixisada iyo xoreynta deegaannada 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyey Odoyaasha Dhaqanka Galmudug xoojinta Midnimada lagu wajahayo Argagixisada iyo xoreynta deegaannada 

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In