Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro Ka Tisan Xukuumadda Oo Kormeeray Xarunta Bangiga Dhiigga 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiiro Ka Tisan Xukuumadda Oo Kormeeray Xarunta Bangiga Dhiigga 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Axmed Macalim Fiqi iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta waxaa ay kormeereen xarunta bangiga dhiigga oo uu dhismo ku socdo.

Ugu horreyn, waxaa goobta ka hadlay agaasimaha guud ee isbitaalka hooyada iyo dhalaanka Banaadir marwo Fartuun Shariif, iyada oo u mahadcelisay dowladaha Sweden iyo Finland oo dhismahaan kaalin weyn ka geystay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay wasiirka caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan isaga oo sheegay in ujeedkoodu ahaa indha-indheynta bangiga dhiigga oo dhismihiisa socday sanad iyo bar, isaga oo daaha ka qaaday in laba bil kadib in lasoo gabagabeyn doono, waxaa uuna rajeeyey in gobollada la gaarsiin doono.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta mudane Axmed Macalim fiqi ayaa hadal kooban uu jeediyey waxaa uu ugu mahadceliyey wasaaradda caafimaadka iyo Isbitaalka Banaadir isaga oo intaa raaciyey in bulshada uu welwel hayey oo arrinkan la xiriirta.

Wasiir Fiqi waxaa uu hadalkiisa kusoo gagabeeyey in haddii uu xarunta bangiggan dhiigga dhismaheeda xarigga laga jaro, uu bangiga dabooli doono baahiyo badan iyo qeyla dhaanta ka soo yeerta umadda Soomaaliyeed, isaga oo yiri “ Bangigan oo injineerada ay sheegeen in laba bil kadib lafuri doono taasi oo ah arin lagu farxo, sidoo kale waxaa la ii heegay in dhiiggan loo dhoofin karo gobalada dalka oo meel kasta oo dhib kadhaca lageyn karo dowladihii kaqeybqaatay ee dalkeenna ugu tabarucay waan ugu mahadcelinaa”.

Tags: Wasiiro Ka Tisan Xukuumadda Oo Kormeeray Xarunta Bangiga Dhiigga
Previous Post

Xildhibaanno Ka Tirsan BJFS Oo Maanta Loo Dhaariyay Ka Mid Noqoshada PAP 

Next Post

Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland Oo La kulmay Madaxa Horumarinta Degmooyinka

Next Post
Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland Oo La kulmay Madaxa Horumarinta Degmooyinka

Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland Oo La kulmay Madaxa Horumarinta Degmooyinka

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In