Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro, Xildhibaanno iyo odoyaal dhaqameed ku baaqay in la joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay Galbeedka Kismaayo

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiiro, Xildhibaanno iyo odoyaal dhaqameed ku baaqay in la joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay Galbeedka Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya, salaadiin iyo odoyaal dhaqameed ka soo jeedo deegaannada Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in si deg deg oo sharuud la’aan loo joojiyo dagaalka ka soconaya galbeedka magaalada Kismaayo oo u dhaxeeya dad walaalo ah oo wada dega, waxaana gogosha maanta lagu kulmay dhigay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).

Odoyaasha dhaqanka ayaa ka codsaday waxgaradka ku sugan Kismaayo in laga wada qeyb-qaato sidii loo damin lahaa colaadda ka soo cusboonaatay duleedka magaalada Kismaayo, isla markaana la joojiyo dagaalka micno darada ah ee dhiiga dadka Walaalaha ku qubanaya,

Related posts

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026

“Waxaan ka codsaneynaa odoyaasha dhaqanka ku sugan magaalada Kismaayo inay ka wada qeyb-qaataan sidii loo damin lahaa colaadda kasoo cusboonaatay duleedka magaalada Kismaayo “sidaas waxaa yiri qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wixii dhacay dib la iska imaan doono, hase yeeshee dagaal horleh aysan xamili karin dadku, loona baahanyahay in la joojiyo dagaalka.

“Runtii wxii dhacay gadaal ayaa looga wadahadlayaa ee hadda waxaa loo baahanyahay in la joojiyo dagaalka waxaana leenahay dadka dagaalamaya joojiya dagaalka micno darada ah”ayuu yiri Xildhibaan Sakariye,

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa ugu baaqay dadka dagaalamaya inay ku joojiyaan si shuruud la ‘aan ah, sidoo kale waxaa fariin u diray dadka dagaalka ku buun buuninaya baraha ay ku xiriiraan bulshada inay dadka marin habaabinin oo ay joojiyaan falalka nuucaasi oo kale ah.

“Waxaan ku baaqayaa in dagaalka si sharuud la’aan ah lagu joojiyo, madaama u xilligaan dagaalka dan ugu jirin Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan leeyahay dadka baraha bulshada ay ku xiriiraan ku buun buuniya inay joojiyaan waayo dagaal wiil kuma dhashee wiilbaa ku dhinta”, ayuu hadalkiisa ku soo koobay Wasiir Oomaar.

Tags: WasiiroXildhibaanno iyo odoyaal dhaqameed ku baaqay in la joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay Galbeedka Kismaayo
Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Arrimaha Dibaddda Norway Oo Ka Hadlay Xakameynta COVID-19

Next Post

The Somalia and Norway Discuss COVID-19 Control

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Arrimaha Dibaddda Norway Oo Ka Hadlay Xakameynta COVID-19

The Somalia and Norway Discuss COVID-19 Control

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In