Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biilaal Cismaan ayaa sheegay in magaalada Beirut uu kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Lebanon oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Lebanon.
“Waxaan maanta xafiiskiisa magaalada Beirut ee dalka Lebanon kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Dalka Lebanon Dr. Abdullah Bou Habib, kulankaas oo aan si qotadheer ugu qaadadhignay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada waddan”. Ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya.