Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS oo la kulmay Danjireyaasha Sweden iyo Jarmalka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiiru Dowlaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS oo la kulmay Danjireyaasha Sweden iyo Jarmalka ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo kulammo gaar gaar ah la kala yeesha Danjireyaasha Jarmalka iyo Sweden ee Soomaaliya ayaa uga warbixiyey xaaladda adag ee ka dhalatay fatahaadaha wabiga ee Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay Danjireha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ay ku bixinayso kobcinta dhaqaalaha, Amniga iyo dib u heshiisiinta, isagoo tilmaamay in ay muhiim tahay in lagu gacan siiyo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku xeeran.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026

Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Danjireha dalka Jarmalka ee Soomaaliya Marwo Annette Gunthe  ayaa isla qaabeeyey hannaanka xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee labada dal iyo sidii loo dardargalin lahaa qorsheyaasha iskaashi ee horay ay isula garteen labada dowladood.

Dhankooda, Danjireyaashu waxay uga mahadceliyeen hoggaanka Madaxtooyada soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay garab ku siinayaan gudashada waajibaadkooda inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Previous Post

UN, Somalia recommit to end the recruitment and use of child soldiers

Next Post

Dowladda oo lacago ugu deeqday dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Next Post
Dowladda FS oo lagu ammaanay sida ay uga go’antahay ka gun-gaaridda qorshaha deyn cafinta

Dowladda oo lacago ugu deeqday dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In