Ciidaliyamada Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya waxayย ka midyihiin Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya waxaana la aasaasay 10-kii bishii febaraayo 1965kii, ciidanka xoogga dalka soomaaliya wuxuu ka kooban Afar tiir oo kala ah:-ย ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo ciidanka difaaca cirka.
Sanadkiiย 1963kiiย waxaa safar magaalada Moosko dalkii hore ee Midowga Soofiyeeti ku tagay raโiisal wasaarihii ugu horeeyay xukuumaddii rayidka ahayd ee Soomaaliya Dr.C/rashiid Cali Sharmaarke iyo taliyihii ugu horeeyay ciidamada qalabka sida ee soomaaliya Gen. Daauud C/lle Xirsi waxayna heshiisyo la soo galeen daowladiiย Midowga Soofiyeeti.
Heshiiskaa oo ay ka mid ahaayeen in ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya la siiyo qalab milatari oo dhanka Badda ah sida maraakiibta dagaalka,muddo yar kadibna Ciidamada Badda waxaa si rasmi ah loo hoos geeyay wasaarada gaashaandhigga xilligaasoo tiradoodu ay gaareysayย 40-askariย oo isugu jiray Saraakiil ,S/xigeen iyo Dabley,tiradaasi yar ee ciidanka Badda Soomaliya lagu aasaasay ayaa waqti gaaban kadib isku bedelay Ciidamo tiro iyo tayo ahaanba lagu aamini karay ilaalinta Xeebta dheerย ee Soomaaliya.
Bishii febaraayo sanadkiiย 1965kiiย dowlada Midowgii Soofiyeeti waxa ay fulisay heshiiskii ay la gashay dowladda soomaaliya waxayna ku wareejisay ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya maraakiibtii ugu horaysay ee ciidanku ku howlgalay,maalintaasiย ayaa loo aqoonsaday maalinta ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha ย jamhuuriyada Soomaaliya.
Ciidamada Badda ee soomaaliya waxaa tababarada iyo saanadaha melatari ay ka heli jireen Dowladii Midowga Soofiyeeti, mudo sanad ka yar kadibna waxaa ciidanka Badda gacantooda ku jiray ilaa iyo lix markab waxayna ciidanka Badda isugu jireen Difaaca xeebaha Baro ilaalo oo xeebaha ku teedsanaa ama ku tixnaa iyo ciidamo markii loo baahdo ka dagaalami karay dhulka.
Sanadkiiย 1977kiiย ciidamada Badda ee Soomaaliya waxa ay lahaayeenย 20-markab,10 ururย ooย Commandosย ah oo badda iyo berigaba ka dagaalamaย 15-barย oo xeebaha ku tixnaa, iskuul lagu barto Culuumta badaha oo ay ka soo baxaan ciidanka Badda oo ku yaallay magaaladaย Baraawe.
Waxaa ka loo jiray seddex iskuul oo lagu barto farsamada oo ka dhisnaa magaalooyinkaย Muqdisho Kismaayo iyo Baraawe.
Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya waxaa sooย hoggaamiyay Taliyayaal kala duwan oo ay ka mid ahaayeenย Khaliif Macoow Col- Cali Xaashi Barre Admiral Maxamed Cumar Cismaan Admiral Saciid C/lla Cumar (Saciid Mariino) Admiral Faarax Qare Admiral Madeey Nuuroow Shiikh Ufuroow.
Ciidamada Badda iyo difaaca xeebaha ee soomaliya ee hada jira ayaa ah kuwo ka soo kabanaya bur-burkii dhamaan saameeyay dalka, waxayna iminka ku howlgalaan Doonyo dheereeya, kuwaa oo sameeya sahan, ย kana dagaal geli kara meelaha dhow dhow, ย waxayna fuliyaanย waajibaadka sida ilaalinta dekadaha iyo biyaha dhow, inkastoo ciidamada Baddu hadda jira aysan lahayn tayadii hore, hadana waxay dadaal ugu jiraan sidii ay awoodooda kor ugu qaadi lahaayeen si Badda Soomaaliya looga ilaaliyo baylahada.
Mudnaanta ay leedahay maalintaan qiimaha leh ee sanadguuradii 54aad ee Ciidamadda Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeedย awgeed ayaa waxaa hambalyo u diray saraakiisha, Saraakiil xigeenka, Aliflayda, dablayda ciidamada Badda iyo Xaasaskooda Madaxwaynaha J.F.Sย Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha B.F.S Maxโed Mursal Shiikh C/raxaam, Raโiisalwasaaraha X.F.S Xasan Cali Khayre iyoย madax kale, dhamman masuuliyiintaan waxay u rajeeyeen Ciidamada Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed inay sanadguuradaan teeda kaleย ku gaaraan horumar iyo in ay ku guulaystaan waajibaadka qaran ay dalkooda ย iyo dadkooda u hayaan.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Badda ugu Hambalyeeyay Xuska 54 Aad ee Aas Aaskooda oo Beri ku beegan
Dhanka kaleTaliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Daahir aadan Cilmi Indhaqarhse ย ayaa u hambalyeyeyย Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebahaย ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya Sanad guurada 54-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ahย 10-02-1965-kii.
โWaxaan u Hambalyeynayaaย Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 53aad ee Ciidanka badda ku beeganโ ayuu yiri Sarreeye gaas Daahir Aadanย Cilmi Indhaqarshe
Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebahaย ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-kii,
W/D. Abukar Gobdoon.