Sunday, July 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxaan arkaa Soomaaliya oo dunida u soo Ordeyso (Warbixin)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Waxaan arkaa Soomaaliya oo dunida u soo Ordeyso (Warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin adag u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin adag u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan

July 19, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š

July 18, 2026
Shirkadda Kenya Airways oo ka mid aheyd dayuuradaha duulimaadyada Caalamiga ah ku iman jiray Muqdisho xilligii beri samaadkii, ayaa waxay joojisay duulimaadkooda wixii ka dambeeyey markii ay burburtay dowladdii marxuum Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991kii, waxaana la filayaa in duulimaadka Shirkadaasi uu ka qeybqaato fududeynta Rakaabka u ka socdaalaya labada magaalo oo ah Nairobi iyo Muqdisho oo ah xarumaha ugu muhiimsan ee ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya iyo in la helo howlo ganacsi oo dhaq-dhaqaaq leh.

Shirkadda dayuuradaha Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday inay duulimaad joogto ka bilaabi doontaa Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho 15-ka bishan November 2018-ka oo ku began maalinta berrito ah oo khamiis ah, arrintani ayaa ka dambeysay kadib markii uu Masuul u hadlay shirkadda uu shaaciyay in Duulimaadyadu noqon doonaan kuwo maalinle ah, iyadoo Kenya arrintaan kaga gol leedahay inay kor ugu qaado xiriirka hawada ee Afrika ee isku xira magaalooyinka iyo fududeynta dhaqdhaqaaqa dadka, si loo xoojiyo xiriirka bulsho iyo dhaqaale ee ka dhaxeeya dalalka Geeska Afrika.

Mr. Sebastian Mikosz, oo ah Madax Shirkadda Kenya Airways ayaa sheegay inay doonayaan muujinta sida ay shirkadooda duulimaad uga goโ€™an tahay isku xirnaanta qaaradda Afrika,iyagoo abuuraya fursado cusub oo loogu talagalay maalgashadayaasha ganacsatada iyo dalxiisayaasha Soomaaliya.

โ€œWaxaan dooneynaa inaan kordhinno shabakadayada oo aan u sahlaneyno martidayada oo u shaqeeyno oo maalgelin doona Soomaaliya, ku daridda wadadan shabakadayada waxay muujineysaa sida aan uga goโ€™anahay in aan hagaajinno isku-xirnaanta qaaradda Afrika, iyada oo abuuraysa fursado cusub oo loogu talagalay maalgashadayaasha, ganacsatada iyo dalxiisayaashaโ€, ayuu yiri Agaasimaha Shariikadda Diyaaeadaha ee Kenya Airways.

Kenya Airways ayaa Isniintii ku dhawaaqday in ay bilaabi doonto duulimaad maalinle ah oo ay ku tageyso Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasi oo lagu wado inay bilowdo khamiista oo ay bishu tahay 15-ka Okttober. Diyaaradkani oo duulimaad maalinle ah oo aan joogsi laheyn ayaa ka bilowday Magaalada New York ee Cariga Maraykanka laba toddobaad ka hor.

Shirkaddu waxay Iclaamisay in Duulimaadyada ay ka baxaya garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA), Nairobi saacadda 07:40, sidoo kalena diyaaradda waxay dib kaga soo ambabaxeysaa Garoonka Caalamiga Aden Adde, Muqdisho 10:45 Barqonimo, si ay ugu soo laabato magaalada Nairobi 13:00 Duhurnimo, iyadoo uu Madaxa shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikosz uu sheegay in duulimaadka maalinlaha ah ay ujeedadooda tahay ama la doonayo in lagu daboolo baahida sii kordheysa ee socdaalka Soomaaliya, saraakiisha dawladda iyo heyโ€™adaha aan dawliga ahayn ee (NGO-yada) iyo tirada sii kordhaysa ee ganacsatada Kenya iyo gobalka oo doonaya inay ka faaโ€™ideystaan fursadaha bannaan ee dalka.

Kenya Airweys ayaa noqoneysa Shirkaddii seddexaad ee duulimaad Caalami ah ka bilowda Muqdisho muddo 28 sano ah, waxaana ka horreeyay Shirkadaha dayuuradaha Ethiopian Airlines oo maalmo ka hor bilowday iyo Turkish Airweys oo iyana ka sii horreysay, kuwaasi oo si weyn uga qeybqaatay u fududeynta Rakaabka u kala gooshidda Qaaradaha Dunida oo markii hore dhib ku qabay Duulimaadyadaasi markaasi ka hor jiray.

Turkish Airlines ayaa Soomaaliya ku xiraysay dunida inteeda kale muddo 6 sano ah, balse arrintan ayaa u muuqata loollan ay diyaaradaha laga leeyahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ugu jiraan inay ka faaโ€™iideystaan ganacsiga duullimaadyada Soomaaliya ku xiraya Caalamka kale, iyagoo sidoo kalena u daneynaya dadka Soomaaliyeed oo horay Waddamo kale u sii tagi jiray si ay u raacaan duullimaadyada caalamiga ah, sida Kenya iyo Dubaay ee Dalka Imaaraatka Carabta Midoobay.

Jimcihii hore ayay aheyd markii ay ka soo degtay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho Diyaarad laga leeyahay Dalka Itoobiya, oo lagu magacaabo Ethiopian Airlines, taasi oo sidday Muwaadidiin Soomaaliyeed, waxayna iman doontaa Muqdisho muddo 3 maalmood ah, waxaase xusid mudan in Raโ€™iisulwasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre in uu horay u yiri: โ€œwaxaan Rabnaa Soomaaliya oo ay dunidu ku soo oroddo oo aysan ka ordinโ€, taasina waxaa ka markhaati ka ah sida Shariikadaha Diyaaradaha ay ugu soo loolamayaan Dalkeenna,ย marka waxaan arkaa Soomaaliya oo ay dunidu u soo Ordeyso

W.D: C/laahi Ruush

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir “Sawirro”

Next Post

Ciidamadda Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagaxisada Daacish

Next Post
Ciidamadda Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagaxisada Daacish

Ciidamadda Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagaxisada Daacish

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin adag u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin adag u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan

July 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Cornel Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa digniin adag u diray...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š

July 18, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddi heerkiisu sarreeyo oo qaabilsan horumarinta xirfadaha iyo...

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

July 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ka digtay hurinta colaadaha

July 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa xaaladaha la xiriira falalka hurinta colaadaha,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In