Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 27, 2017
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 27 May 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay 20 – 26 May 2017.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025

Ra’iisul Wasaaraha oo Daahfuray Ololaha Nadaafada Dalka

25 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah u daah furay Ollolaha nadaafadda ee bilicda dalka oo 25kii May 2017 laga hirgeliyey dalka, kana bilowday magaalada caasimada ee Muqdisho, kaasoo lagu aruurinayey qashinka yaala goobaha aan loogu tala galin iyo wadooyinka magaaalda. Guddoomiyaha Gobolka Benadir ahna Duqa Muqdisho ayaa isagana kormeeray degmooyinka caasimada oo ay ololahu si fiican uga socdeen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhowaaqay in maalinta Khamiista ugu danbeysa ee bil walba la sameyn doono Ololaha Nadaafada.

Maxkamada Ciidamada oo Cadaalada Marsiiyey Danbiile horey u diley Taliyihii Nabad-Sugida Gobolka Sh/Dhexe

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 25kii May 2017 dil toogasho ku fulisay Ex-Dable NISA Yuusuf Xuseen Maxamuud oo ahaa ninkii dilay Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe Marxuum Cabdiweli Ibraahim Maxamed. Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Sh/Dhexe ayaa la dilay 21-kii bishii June ee sanadkii hore, xilli lagu guda jiray bisha Ramadaan, waxaana dilka uu dhacay xilligii loo fadhiyay afurka.

Dowlada oo Daahfurtay Mashruuc lagu afurinayo 1.1 Milyan

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Marwo Maryam Qasim ayaa 26kii May 2017 Daahfurtay Mashruuca Afurinta Hal Milyan iyo Boqol Kun bisha Ramadaan. Ururka Caalamka Islaamka (OIC) ayaa ka soo jawaabtay baaqii Dowlada Federaalka isla markaasna mashruucan ka hirgelin doonta dhammaan gobollada dalka oo dhan, gaar ahaan dadka tabaaleysan. Xaflada Daahfurka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta & Awqaafta, Madaxa OIC ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha Islaamka ee arrimaha Gargaarka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigey Mashruuc lagu Hormarinayo Garoonka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa 24kii May 2017 dhagax dhigay leerarka iftiimiya wadada ay ku ordaan Diyaaradaha ee Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa daaray laanbadii ugu horeysay ee laga mudo Garoonka Muqdisho. Tani ayaa ah horumar ay dowladu ku tallaabsatay muddo kooban ka dib markii shirkadaha ka howlgala garoonka loo qabtay waqti kama danbeys ah oo ay ku fuliyaan mashruucan.

Ciidanka Howlgalka Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay Hub iyo aalado kale

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 23kii May 2017 booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay sameeyeen 23kii May oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale.

Ciidanka XDS oo u diyaargaroobay Howlgalka La Dagaalanka Argagaxisada

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa 24kii May 2017 booqday Balidoogle oo lagu diyaariyey 1600 ciidanka XDS si loo dardargeliyo Howlgalka la dagaalanka argagaxisada Al-Shabaab. Dowlada Federaalka ayaa mudnaan gaar ah siisey soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka, iyadoo la diyaariyey Qorshihii iyo Istraatejiyada Amniga Qaranka.

Dowladda oo hirgelisey Shirkii SDRF oo lagu qiimeynayey Go’aanadii Shirkii London

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa 24kii May 2017 Shir-guddoomiyey shirka looga hadlayey qodobadii ka soo baxey shirkii London, Saameynta Abaarha iyo Arimaha Federaalka kaasoo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga SDRF (Somalia Development and Reconstruction Facility Streering Committee). Waxaana ka soo qayb galey Xubno ka socdey Golaha Wasiirada Soomaaliya, Safiirada wadamada Turkiga, Sweden, Norway, Talyaaniga, ku xigeenka UN-ka iyo mas’uuliyiin ka socotey Maamul Goboleedyada dalka.

Ciidanka XDS oo Howlgal ciidan ka bilaabay Bakool oo ay jidgooyooyin ku qaadeen

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa 23kii May 2017 ka bilaabay Deegaano ka tirsan Gobalka Bakool Howlagalo looga sifeynayo Maleeshiyaadka Argagixisada ee Alshabaab. Sarkaal ka tirsan guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobalka Bakool ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada ay qaadeen dhowr jidgooyo oo u tiilay kooxda Alshabaab, kuwaas oo lagu dhibaaateen jiray shacabka deegaanadaasi ku dhaqan.

Wasaarada Dhalinyarada oo Hirgelisey Wadatashiga Siyaasada Dhalinyarada

Kulan wadatashi ah ee siyaasadda Dhallinyarada Qaranka ayaa Wasaaradda Dhallinyarada Soomaaliya ku casuuntay ururada dhallinyarada oo lagu qabtay gobolka Benaadir 25kii iyo 26kii May 2017, kuwaas oo muddo labo maalin ah ka doodayey aragtidooda ku aadan siyaasadda Dhalinyarada Qaranka oo Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ku howlan tahay dejintiisa.

Guddiga Doorashooyinka oo xafiiska diiwaangelinta Xisbiyada ka furay Muqdisho

23kii May 2017 ayaa Munaasabad lagu furayay xafiiska diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadeed ee dalka lagu qabtay Muqdisho. Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa hirgeliyey xafiiska diiwaangelinta, xafladii furitaanka ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamanka, ururrada siyaasadeed iyo xubnaha guddiga doorashada. Guddoomiyaha Guddiga Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in hawlo balaaran ay horyaalaan xafiiskan si loogu guulaystana loo baahan yahay inay si wada jir ah u wada shaqeeyan ururrada siyaasadeed iyo guddiga doorashadu. Malxalado kala duwan oo doorasho ayuu dalku soo maray, balse haatan ayey Guddigu ku hawlan yihiin hirgelinta doorashooyin hal qof iyo hal cod ah ee 2020ka.

Wasaarada Warfaafinta oo Daahfurtay Dood Cilmiyeedka xiriirka Warbaahinta & Amniga

Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. Yarisow ayaa 22kii May 2017 Daahfuray Dood Cilmiyeed ku saabsan sida ay u wada shaqeyn karaan hey’adaha ammaanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed oo ay ka qeyb-galeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiil ka kala socotay hey’adaha Xafiiska Midowga Yurub, hey’adda ALBANY iyo Machadka cilmi-baarista Soomaaliyeed ee u adkeysiga dhibaatooynka, SDRI oo soo sameeyey cilmibaaristan. Gobollada Benaadir, Bay, Jubbada Hoose iyo Mudug ayaa laga sameeyey cilmibaaristan oo tilmaantay muhiimada wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo warbaahinta.

DHAMMAAD

    

Previous Post

Ammaanka degaanada Puntland oo la adkeeyay

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray xarunta Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha ee Ciidanka Booliska “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray xarunta Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha ee Ciidanka Booliska “SAWIRRO”

Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray xarunta Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha ee Ciidanka Booliska "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

July 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In