Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Todobaadka Maamulka Gobolka Banaadir+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
March 14, 2019
in Wararka
0
Waxqabadka Todobaadka Maamulka Gobolka Banaadir+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa dadaalkii ugu Badnaa ku bixinaya Dhismaha iyo Dayactirka Wadooyinka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Agaasimaha Howlaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa Warbaahinta u sheegay in iyadoo la fulinayo amarka Duqa Muqdisho ee ahaa in laga shaqeeyo Billicda iyo Nadaafada Caasimadda in la Laami la saaray Wadada Ceelgaabta ee dhexmarta degmada Xamar Jajab.

Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Muqdisho injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan(Yariisow) ayaa xariga ka jaray todobaadkaan maktabad ay caruurta wax ku bartaan oo laga hirgaliyay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maktabadaan ay qayb muhiim ah ka qaadaneyso Waxbarashada Ubadka Soo koraya.

Duqa Muqdisho ayaa Todobaadkan Shirar looga hadlayay Nadaafadda Caasimadda iyo Horumarinta Barnaamijka Isxilqaan la yeeshay qaar ka mid ah Bulshooyinka degmooyinka Wadajir iyo Waabari.

Mudane Injineer Yariisow ayaa Bulshada kula dar daarmay inay ka shaqeeyaan Horumarinta Nadaafada, iyadoo uu sheegay in loo baahanyahay in qof kasta si isxilqaan ah uu kaga shaqeeyo horumarinta Magaalada.

Sidoo kale Maamulada degmooyinka Gobalka iyo Shacabka Muqdisho ayaa wali ku hoalan ka qayb qaadashada ololaha Isxilqaan ee dib loogu howlgalinayo xarumaha danta guud ee ku yaala Muqdisho sida Tiyaatarka Qaranka, Maktabada iyo Madxafka Qaranka.

Bulshada Degmada Waaberi ayaa si aad ah ugu farxay una soo dhoweeyey in Suuqii Cali Boolaay ee degmadaasi dib loo soo celiyo, Iyadoo Guddoomiyaha gobalka uu balan qaaday in si deg deg ah looga shaqaynayo in dib loo soo celiyo shuuqaas oo haatan shiyaad gaar ah ay dhisteen.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Todobaadkaan waxa uu dhagax dhigay xarunta sheybaarka dhismaha oo laga hirgalin doono degmada Wadajir iyadoo xaruntaasi loo dhisi doono si casri ah.

Gudoomiyaha gobalka ayaa sheegay in Dhismayaasha magaalada Muqdisho loo baahanyahay inay la tartamaan Dhismayaasha Aduunka, sidaasi darteedka loo baahanyahay in la ogaado dhismaaya Caasimadda iyo qalabka lagu dhisayo

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray Wareegto ku aaddan Xaruntii Ciidamada Badda ee degmada C/Casiis iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda

Duqa Muqdisho ayaa Markii uu arkay Dastuurka JFS, Shariciga Maamulka Gobolada & Degmooyinka, Sharciga Maamulka Dhulka iyo Dhismaha G/Banaadir, Isla markaaba uu hubsaday inay lagama maarmaan ay tahay in Dib u hagaajin lagu sameeyo Qorshaha Guud (Master Plan) ee caasimadda, arkayna baahida deg-dega ah ee loo qabo in safaaradaha loo asteeyo goob ku habboon.

Waxuu soo saaray Xeerkan:

Waxaa cid allaale iyo ciddii ay khuseyso lagu wargelinayaa in Xaruntii Ciidamada Badda iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda iyo dhulka dhanka danbe uga beegan illaa Xeebta Badda loo asteeyey goob ama deegaan diblomaasi ah, dhulkaas oo ahaa Dhul Dowladeed oo Dan Guud loogu talo galay.

Qorshahan ayaa ujeedadiisu tahay in Safaaradaha iyo Hay’adaha Caalamiga ee dalka ka howlgala loo helo goobo ku habboon iyo in dib loo soo celiyo bilicdii Caasimada Muqdisho oo ah xarunta ay diblomaasiyiinta uga howlgalaan Dalka.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay Wadatashiga Qorshaha horumarinta Qaranka ee sagaalaad oo lagu qabtay Xarunta D/Hoose ee Muqdisho, si maamulka Gobolka Banaadir ugu darsardo wixii talo iyo tusaale ah.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegaay in maamulka Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siinayo qorshaha horumarinta Qaranka, bacdamaa bulshada Caasimaddu ay waligood u taagnaayeen midniada, wadajirka iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa balan-qaaday ka maamul ahaan in kaalintooda ay ka qaadanayaan sidii uu qorshahani u noqon lahaa mid taabagal ah, kuna dhisan aragtida iyo baahida bulshada Soomaaliyeed.

Kulan looga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa Gaadiidka Xamuulka ka soo qaada Dekada Muqdisho, kuwaas oo mashquul badan ku haaya Wadooyinka Caasimada Qaarkood, ayaa todobaadkaan ka dhacay Dekada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay kulanka ka dib in go’aan lagu gaaray in Gawaarida xamuulka ah ay shaqayaan habeenkii oo kaliya.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Mudane Yariisow ayaa sheegay in Dekada Muqdisho ay shaqaynayso Habeen iyo Maalin laakiin maamulka Gobalka uu dadaal badan ku bixinayo in xal waara loo helo, Gawaariada Xamuulka ah ee Mashquulka badan ku haaya wadooyinka qaar.

Xafiiska Warfaafinta Maamulka Gobalka Banaadir

 

 

Previous Post

Shacabka degmada Diinsoor oo soo dhaweeyey Mashaariic uu soo dhagax dhigay Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo raja wanaagsan ka muujiyay natiijada shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Kampala

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo raja wanaagsan ka muujiyay natiijada shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Kampala

Madaxweynaha Soomaaliya oo raja wanaagsan ka muujiyay natiijada shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Kampala

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In