Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wefdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay London

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wefdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay London
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Munaasabadda Soo dhaweynta ah oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK ayaa loo sameeyey masuuliyiin uu hor kacayey Ra”iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan.

Madaxda Jaaliyadda ayaa ugu horeyn munaasabadda ka sheegay iney diyaar u yihiin garab istaagga dowladda Soomaaliyeed oo horumar ka sameysay dhinacyo badan, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo madaxda lagu soo dhaweynayey.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay u baahantahay taageerada shacabka oo ay kamid yihiin qurba joogta, waxaana uu tilmaamay in dadka qurbaha ku nool looga baahanyahay iney qaataan masuuliyad gaar ah oo ay kaga qeyb qaadanayaan horumarka Dalka.

“waajib ayaa idinka saaran inaad ka qeyb qaadataan horumarka dalka, oo si gaar ah aad ula shaqeysaan dowladiina oo ku guuleysatay in horumar badan ay sameyso”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa halkaasi ka sheegay in ka maamul ahaan ay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo hormarin lahaa Caasimadda, si ay ula tartanto caasimadaha dunida, islamarkaana ay ka shaqeeyeen sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha ku nool gudaha iyo duuleedka Muqdisho.

“12-kii bilood ee aan masuuliyadda heynay waxaan ka shaqeynay sidii aan xal ugu heli laheyn barakacayaasha, waxaan horumar badan ka sameynay amniga, bilicda iyo guud ahaan horumarka caasimadda”ayuu yiri Eng: Yariisow.

Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa munaasabadda ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay horumar balaaran ka sameysay dhinacyada Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha iyo ka hortagga Musuqa, waxaana uu tilmaamay in waajib ay tahay si horumarkaasi loo ilaaliyo in la garab istaago dowladda Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu soo dhisay Wasiiro farsamo yaqaano ah oo garanaya waxa ay qabanayaan iyo waajibaadka ka saaran dadkooda, kuwaas oo aan dano gaar ah laheyn balse jecel in si sax ah ay ugu adeegaan shacabkooda Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka.

SHARE
Previous Post

Wadahadaladii Trump iyo Kim oo markale ka furmidoona Hanoi Vietnam

Next Post

Somalia’s Police strengthened with support from UN, International Community

Next Post
Somalia’s Police strengthened with support from UN, International Community

Somalia’s Police strengthened with support from UN, International Community

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In