Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WFP oo kordhisay kaalmada la siinayo bulshada Galmudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
WFP oo kordhisay kaalmada la siinayo bulshada Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’adda cuntada adduunka ee WFP oo kaah-shaneysa Wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb xalay ku qabatey munaasabad lagu daahfurayay kordhin lagu sameeyay tirada qoysaska lasiinayo kaalmada beni’aadanimo ee abaaraha oo halkii tiradu awal ka aheyd 23-kun- oo qoys  la gaarsiiyey 73,124-kun oo qoys kuwaa oo helaya kaararka WFP.

Kordhinta tirada qoysaska la caawinaya ee abaaruhu ku saameeyeen deegaanada Galmudug ayaa ah ka jawaab celinta xaalada jirta, waxaana loo qoondeeyay in qoys walbaa bilaha April, May iyo June lasiiyo gargaarkan oo sii socon kara guud ahaanba labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud sida uu sheegay Nuur Cabdi Cali oo ka socday WFP.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac ayaa dhankooda kordhinta kaalmada abaaraha ee Galmudug soo dhaweeyay, iyagoo rajo weyn ka muujiyey in ay qayb ka qaadan doonto balaarinta mashruuca quudinta ee dugsiyada iyo la tacaalida xaaladaha Caafimaadka ee abaartu sababtey.

Ugu danbeyn Wasiirka Gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawe) ayaa WFP uga mahadceliyay sida ay uga jawaabeen baahida dhanka beni’aadanimo ee ka jirta qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug.

Previous Post

Safiirkii Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xilka wareejisay

Next Post

Xoghayaha Golaha Shacabka oo war ka soo saaray dhaarinta xildhibaannada

Next Post
Xoghayaha Golaha Shacabka oo war ka soo saaray dhaarinta xildhibaannada

Xoghayaha Golaha Shacabka oo war ka soo saaray dhaarinta xildhibaannada

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In