Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

FIFA “Wiilasha Mucjisada ah ee Soomaaliya oo ku haminaya in ay taariikh hor-leh sameeyaan”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
FIFA “Wiilasha Mucjisada ah ee Soomaaliya oo ku haminaya in ay taariikh hor-leh sameeyaan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Oraahdaan soo jiidashada leh waxaa lagu qoray Website-Ka xiriirka caalamiga ah ee kubadda cagta adduunka ee FIFA, waxeyn cadeen u tahay in ay Soomaaliya dib usoo laabatay oo markan aysan aheyn sidii hore.

Guushii geesiyada Xulkeenu ay ka gaareen dhigooda Zimbabwe waxey abuurtay taariikh cusub oo lagu rajo weynyahay in ay galabta dhasho mid kaloo kasii farxad badan oo diiwaankeenana ku cusub, taariikhda kubadda cagtana gali doonta.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026

Wiilasha Qarankeena oo kulankii lugta hore ee Isreebreebka koobka adduunka 1-0 afka ciida ugu daray dhigooda Zimbabwe ayaa galabta markale rajeynaya inay libin kala soo laabtaan garoonka National Stadium ee magaalada  Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe, taas oo noqon doonta mucjiso kale oo ay dhigaan xidigaha xulka Qaranka Soomaaliya oo laga soo kala xulay gudaha dalka iyo dibadiisaba.

Leyliyaha reer Ghana  ee hogaaminaya xulka Qaranka Soomaaliya   Bashir Hayford ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulanka ay galabta wajihi doonaan xulka Zimbabwe, wuxuuna sheegay inay si weyn u diyaar garoobeen, isla markaana ay sameyn doonaan wax walba oo ay ku guuleysan karaan.

Tababaraha xulka Zimbabwe Joey Antipas  oo dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa wal wal ka muujiyay kulanka galabta dhici doona, wuxuuna tilmaamay in aan la sahlan karin bandhigga iyo xirfada cajiibka ah oo ay soo bandhigeen xulka Qaranka Soomaaliya, isagoo xulkiisa kula taliyey inay feejignaan dheeri ah muujiyaan si ay u aargutaan.

Madaxda ugu sareysa dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ayaa hiil iyo duco la garab taagan Xulka Qaranka, iyadoo ay xusid mudantahay in dhallinyaro badan oo iskood isku abaabulay ay kasoo ambo baxeen dalal badan oo ay ka mid yihiin Zambia, Mozambique iyo South Afrika   si ay  u garab istaagaan xulkeena Ocean Stars oo talaabo u jira inay usoo baxaan wareega xiga ee isreeb reebka koobka dunida ee sanadka 2022 lagu qaban doono dalka Qatar.

Hadii wiilasha xulkeenu ay guuleystaan oo ay taariikhda markii ugu horeysay u tallaabaan wareega labaad ee Isreebreebka koobka dunida, waxey ka mid noqon doonaan 14-ka xul ee kasoo gudba wareega koowaad, kuwaas oo ku biiri doona 26-ka xul ee ugu awooda badan Qaarada Afrika, waxeyna wadartu noqon doonto 40 xul, iyadoo kadibna loo sameyn doono isku aadka wareega xiga waxaana  loo qeybin doono 10 Groups.

W/Q Xabiib Axmed Cali

Previous Post

Wasaaradda Cadaaladda DFS ayaa sheegtay in uu socdo Qorshe lagu hormarinayo hanaanka Cadaaladda dalka “Dhageyso”

Next Post

R/wasaaraha XFS oo gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool

Next Post
R/wasaaraha XFS oo gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool

R/wasaaraha XFS oo gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In