Xaaladda magaalada Barriire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dagan kadib markii xalay halkaas isku dayeen inay weeraraan Maleeshiyaadka Al Shabaab.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa Maleeshiyaadkii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday ka dilay in ka badan 20-tan dagaalame sidda uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ciidanka Lugta Gen:- Yuusuf Odawaa Raage.
Xaaladda ayaa saaka dagan iyadoona halkaas howlgallo kawadaan Ciidanka Xoogga ee ku sugan Barriire.
Faahfaahinta oo dhameystiran goordhow ayaan idiin soo gudbineynaa insha allah