Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaaladda Wabiga, Dhibaatooyinka uu ka gaystay Hirshabeelle & khatar laga digay “Warbixin”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Xaaladda Wabiga, Dhibaatooyinka uu ka gaystay Hirshabeelle & khatar laga digay “Warbixin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka hadashay dad badan oo ku barakacay Fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle kadib roobab xoogan oo ka da’ay goboladda Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Cabdi-Mahad Qoorgaab Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Hirshabeelle oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa arrimahaas ka hadlay waxaa uuna sheegay in dadka qaarkood xaladooda aad u liidato una baahan yihiin Gargaar deg deg ah.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

January 5, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

January 5, 2026

17-kii Bishaan October ayuu Fatahaad Wabiga Shabeelle ka bilaabay Magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taas oo sababtay in Afarta xaafadood oo ka booban tahay magaaladaas Fatahaadu wadagaartay dad badan ayaa guryahooda isaga baxay iyaga oo cabsi kaqaba in xaaladdu ku sii xumaato.

Gobolka Shabeellaha Dhexe markii aan eegno waxaa jirta in degmada Mahadaay ee gobolkaas Wabigu meelaha qaar dhinacyadda jabsaday Biyuhuna ku fataheen qaybaha kala duwan ee Mahadaay, Sidoo kalena waxaa xirmay Wadooyinkii muhiimka ahaa magaalada gali jiray taas oo sidoo kale sababtay in dadka qaarkood lasoo samatabixin waayo.

Biyaha ku fatahay Mahadaay ayaa baaba’iyey Boqolaal Tacab oo dhul Beereed ah kuwaas Beeraleydu Qorsheynayeen in dhawaan soo gurtaan Balse ma’aysan dhicin taas, Dalagyada Baaba’ay waxaa kamid ah Digir, Ganley, Qare iyo kuwo kale oo muhiim u ahaa dadka.

Heerka socodka Wabiga ee Biyaha ayaa maraya heerkii ugu dambeeyey waxaana uu gaaray 7.3 cabirka biyaha, Waxaana jirta cabsi ah in qatartu in taan ka badan karto maadaama xowliga Biyaha ka imaanayaan dalka Ethopia.

Sanadkii 2017 ayaa Fatahaad uu sameeyey Wabigu ayaa waxaa waxyeelo kasoo gaartay in badan ku qof sidda aan kasoo xiganay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle hadana waxaa muuqata in xaaladdu middii oo kale u egtahay waa haddii aan siwaangsan looga hortagin.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Warsaxaafadeed kasoo saaray arrintan waxaana uu sheegay Wasiirka Gargaarka Mudane Qoorgaab in dadka ugu baaqayaan in foojignaan dheeraad ah muujiyaan.

Sidoo kale Dowladda Dhexe ayey ugu baaqeen xaaladda soo faragaliso si-dadka iyo deegaanka loo badbaadiyo una dhicin in Fatahaada Wabiga iyada oo laga hortagi karo aanan laga gaabin xaaladda.

Dadka hadda Bakacay ayaa waxaa ay u baahan yihiin Nolol, Guryo, daryeel Caafimaad iyo laga warqabo si-aysan u dareemin dayacnaan.

dadka qaarkood ayaa waxaa isaga carareen Goobahoodii Ganacsi iyaga oo aan ka qaadan alaabtii kala duwan ee dhextaalay maadaama Biyuhu si-kadis ah ku soo galeen.

Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa hadda sii-bilaabay in gargaar sii gaarsiiyaan dadka Banaanka uga baxay Baladweyne, Mahadaay iyo deegaano kale.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Wasiir Qoorgaab oo dhameystiran waxaaa Wareysigan ka qaaday Wariye Cabdirisaaq Sheekeeye

W/Q Cali Axmed Sheekh

Previous Post

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo ka daahfurey Caabudwaaq adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda “Sawirro”

Next Post

Shir looga hadlayo doorka haweenka ee dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay “Sawirro”

Next Post
Shir looga hadlayo doorka haweenka ee dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay “Sawirro”

Shir looga hadlayo doorka haweenka ee dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay "Sawirro"

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

January 5, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar " Gen Khaalid" oo maalmihii la soo dhaafay howlo shaqo u...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

January 5, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulankiisii ugu horreeyay la...

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

January 5, 2026
0

Muqdisho, 5 January 2026:- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daauud Aweys Jaamac ayaa maanta xarigga...

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

War Saxaafadeed: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

January 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In