Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaaladda Wabiga, Dhibaatooyinka uu ka gaystay Hirshabeelle & khatar laga digay “Warbixin”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Xaaladda Wabiga, Dhibaatooyinka uu ka gaystay Hirshabeelle & khatar laga digay “Warbixin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka hadashay dad badan oo ku barakacay Fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle kadib roobab xoogan oo ka da’ay goboladda Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Cabdi-Mahad Qoorgaab Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Hirshabeelle oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa arrimahaas ka hadlay waxaa uuna sheegay in dadka qaarkood xaladooda aad u liidato una baahan yihiin Gargaar deg deg ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

17-kii Bishaan October ayuu Fatahaad Wabiga Shabeelle ka bilaabay Magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taas oo sababtay in Afarta xaafadood oo ka booban tahay magaaladaas Fatahaadu wadagaartay dad badan ayaa guryahooda isaga baxay iyaga oo cabsi kaqaba in xaaladdu ku sii xumaato.

Gobolka Shabeellaha Dhexe markii aan eegno waxaa jirta in degmada Mahadaay ee gobolkaas Wabigu meelaha qaar dhinacyadda jabsaday Biyuhuna ku fataheen qaybaha kala duwan ee Mahadaay, Sidoo kalena waxaa xirmay Wadooyinkii muhiimka ahaa magaalada gali jiray taas oo sidoo kale sababtay in dadka qaarkood lasoo samatabixin waayo.

Biyaha ku fatahay Mahadaay ayaa baaba’iyey Boqolaal Tacab oo dhul Beereed ah kuwaas Beeraleydu Qorsheynayeen in dhawaan soo gurtaan Balse ma’aysan dhicin taas, Dalagyada Baaba’ay waxaa kamid ah Digir, Ganley, Qare iyo kuwo kale oo muhiim u ahaa dadka.

Heerka socodka Wabiga ee Biyaha ayaa maraya heerkii ugu dambeeyey waxaana uu gaaray 7.3 cabirka biyaha, Waxaana jirta cabsi ah in qatartu in taan ka badan karto maadaama xowliga Biyaha ka imaanayaan dalka Ethopia.

Sanadkii 2017 ayaa Fatahaad uu sameeyey Wabigu ayaa waxaa waxyeelo kasoo gaartay in badan ku qof sidda aan kasoo xiganay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle hadana waxaa muuqata in xaaladdu middii oo kale u egtahay waa haddii aan siwaangsan looga hortagin.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Warsaxaafadeed kasoo saaray arrintan waxaana uu sheegay Wasiirka Gargaarka Mudane Qoorgaab in dadka ugu baaqayaan in foojignaan dheeraad ah muujiyaan.

Sidoo kale Dowladda Dhexe ayey ugu baaqeen xaaladda soo faragaliso si-dadka iyo deegaanka loo badbaadiyo una dhicin in Fatahaada Wabiga iyada oo laga hortagi karo aanan laga gaabin xaaladda.

Dadka hadda Bakacay ayaa waxaa ay u baahan yihiin Nolol, Guryo, daryeel Caafimaad iyo laga warqabo si-aysan u dareemin dayacnaan.

dadka qaarkood ayaa waxaa isaga carareen Goobahoodii Ganacsi iyaga oo aan ka qaadan alaabtii kala duwan ee dhextaalay maadaama Biyuhu si-kadis ah ku soo galeen.

Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa hadda sii-bilaabay in gargaar sii gaarsiiyaan dadka Banaanka uga baxay Baladweyne, Mahadaay iyo deegaano kale.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Wasiir Qoorgaab oo dhameystiran waxaaa Wareysigan ka qaaday Wariye Cabdirisaaq Sheekeeye

W/Q Cali Axmed Sheekh

Previous Post

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo ka daahfurey Caabudwaaq adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda “Sawirro”

Next Post

Shir looga hadlayo doorka haweenka ee dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay “Sawirro”

Next Post
Shir looga hadlayo doorka haweenka ee dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay “Sawirro”

Shir looga hadlayo doorka haweenka ee dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay "Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In