Degmada Ceelwaq ee Gobalka Gedo oo ka mid ah degmooyinka ay sida ba’an u saameeyeen daadadka xooggan ee ka dhashay El-nino, ayaa waxaa halkaas ka jirta xaalad adag oo dhanka nolasho ah, iyadoo wali gudaha xaafadaha degmadaas biyihii ku soo rogmaday ay fadhiyaan, iyadoo laga cabsi qabo in ay ka dhashaan cudurada faafa.
Dhamaan dadkii shacabka ahaa ayaa ka barakacay gudaha degmada Ceelwaaq, iyaga oo daadsan daafaha iyo tuuloyinka ku dhaw degmada.
Sawirro laga soo qaaday xafadaha Ceelwaaq ayaa waxaa lagu arkayaa biyo xoogan oo magaalada dhex- fadhiya kuwaas oo midab koodu isbadalay ayna adagtahay in la dhexmaro, waxaana sidoo kale duugmay Ceelashii biyaha iyo Musqulihii dadka isticmaali jireen.
Goobahii Waxbaarshada, Caafimaadka iyo Cibaadada ayaa guud ahaan xiran, waxaana sare u kac uu ku yimid Maciishada qaybaheeda kala duwan.