Iyadoo dhaawacyo kala duwan oo iskugu jira Mas’uuliyiin iyo Shacab waxyeello ka soo gaartay Qaraxyadii argagixisanimo ee maleeshiyaadka naflacaariga Alshabaab ka geysteen magaalada Muqdisho loo qaaday dalka Qatar ayaa waxaa soo hagaageysa xaaladda Caafimaad ee bukaannadaas uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar C/risaaq Faarax Cali Taano oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee bukaannada.
Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga oo Dhameystiran