Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad soo dhaweyn ah oo xalay Garoowe loogu sameeyay Wafdiga Ra’iisul wasaaraha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Xaflad soo dhaweyn ah oo xalay Garoowe loogu sameeyay Wafdiga Ra’iisul wasaaraha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdi Rashid Cali Sharmarke iyo waftigiisa ayaa xalay ka qayb galay xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayey, taas oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Puntland, waxaana xaflada ka soo qayb galay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Ku xigeenka Madaxweynaha Puntland, wasiiro, Xildhibaanno, Isimo iyo dadweyne faro badan,

Xafladaan ayaa waxaa heeso wadani ah ka qaaday fanaaniinta hobolada waaberi ee Puntlnad, Abwaano ka tiriyey goobta gabayo iyo geeraaro kala duwan, iyo majaajilaystayaal ku cabirayey suugaantooda marxalada dalku marayo iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in umadda Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Furitaanka Xaflada waxaa hadal isugu jira guubaabo iyo soo dhaweyn ka jeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed, wuxuuna islaamku u jeediyey codsi waftiga dowlada Federaalka ah kaas oo ku salaysan in ay Isimada Puntland ay fidiyeen gogol dib u heshiisiineed oo ay isugu yimadaan dhamaan wax garadka iyo cuqaasha Soomaaliyeed si loo turxaan bixiyo khilaafaadka wali ku haray bulshada dhexdeed,

Madaxweyna Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay in ay dowlada Federaalka kala shaqayso arrimaha dib u heshiisiinta, dhanka kalana ay ka rajaynayaan dowlada Federaalka ah iney fuliso heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac.

Ugu danbayntii RW Cumar oo soo xiray xaflada ayaa ka mahadceliyey soo dhaweyntii shalay iyo xafladaan qiimaha badan ee caawa loo sameeyey isaga iyo waftigiisa, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday shacabka Puntland iney soo dhaweyaan dadka qaxootiga ah ee ka soo barakacaya Yeman. Sidoo kale RW Cumar ayaa goobta lagu gudoon siiyey Hadyado kala duwan.

—DHAMAAD—

unnamed (10) unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (19) unnamed (20) unnamed (21) unnamed (22)

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo ugu Hambalyeeyay Ciidanka XDS sanad guurada 55aad

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo ugu Hambalyeeyay Ciidanka XDS sanad guurada 55aad

Wasiirka Gaashaandhigga oo ugu Hambalyeeyay Ciidanka XDS sanad guurada 55aad

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In