Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo maanta qalab xafiiseed ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
8 years ago
in Wararka
0
Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo maanta qalab xafiiseed ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Hanti dhowraha guud ee Qaran ayaa maanta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ku wareejiyay gabi ahaanba Qalab xafiiseedyadii ay kushaqeynayeen xafiisyada waxaana ka mahad celiyay taliska Asluubta.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sida uu qorshuhu yahay waxaa dhisme lagu sameyn doonaa maalmaha soo socda dhismaha xafiiska Hanti- dhowrka guud ee Qaran oo si casri ah loo qalabeyn doono isla markaana qorshuhu yahay inuu noqdo mid bilic wanaagsan sidaas daraadeed ayaa qalabkii xafiiska maanta lagu wareejiyay taliska Asluubta.

Mas’uuliyiinta xafiiska hanti-dhowraha guud ayaa sheegay in muhiimadu tahay in Qalabkaan oo isugu jira mid cusub iyo mid xafiisyada yaalay lagu wareejiyo Taliska Asluubta taasina ay qayb ka tahay iskaashiga labada hay’ad iyo in la xoojiyo wada shaqeyntooda.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta General Cabdi kariin Cali Afrax ayaa uga mahad celiyay mas,uuliyiinta Xafiiska hanti dhowraha guud qalab xafiiseedka ay ku wareejiyeen waxaana uu xusay in wax badan uu qalabkani u tari doono bilicda xafiisyada Taliska.

“Xafiiska Hanti-dhowraha guud si wanaagsan buu noola shaqeeyaa waan u mahad celinayaa mas,uuliyiinta runtii madaxda Xafiiska waan uga mahad celinayaa anigoo ku hadlaya magaca Taliyaha Ciidanka Asluubta waa agab muhiim ah talisku waxaa uu ku talo jiraa in wax soo saarkiisa uu kordhiyo oo uu wax badan ka qayb qaato wax soo saarka dalka”ayuu yiri Taliye xigeenka.

Previous Post

Ururka Haweenka Aqalka Sare oo doortay guddoon cusub

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo daah-furay habka Onlie-ka ee diiwaan-gelinta Ganacsiga

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo daah-furay habka Onlie-ka ee diiwaan-gelinta Ganacsiga

Ra’iisul Wasaare Khayre oo daah-furay habka Onlie-ka ee diiwaan-gelinta Ganacsiga

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In