Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo lacag ciidsiin ah u qeybiyey kudhawaad 100 carruur ah oo ay dhaleen wariyaashii ku dhintay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo lacag ciidsiin ah u qeybiyey kudhawaad 100 carruur ah oo ay dhaleen wariyaashii ku dhintay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Carruurtan oo ay ka tageen 25 wariye oo Muqdisho ku dhintay laga soo bilaabo 2007-dii ayaa waxaa maanta loo qeybiyay lacag ciidsiin ah oo uu ugu tala galay Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black oo ah madaxa xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada ayaa sheegay in Xafiiska Warfaafintu uu diyaar u yahay in uu kaalin muuqata ka qaato daryeelka agoonta wariyaasha, sidoo kalena uu dhiirigelinayo qorshe kasta oo wax loogu qabanayo carruurta agoonta ah..

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

“Waxaan u soo jeedineynaa warbaahinta in ay u istaagaan sidii loo abuuri lahaa Sanduuq dhaqaale oo agoonta wariyaasha ka caawiya, barbaarintooda waxbarashadooda iyo caafimaadkooda.” ayuu yiri Black.

Dhinaca kale C/laahi Cusmaan Faarax oo ku hadlay magaca guddi wariyaal ah oo Xafiiska warfaafinta kala shaqeeyay raadinta iyo tirakoobka agoonta ayaa sheegay in wariyaasha Soomaaliyeed ay dhiiri-galin u tahay in garab istaag loo muujiyo carruurtii ay ka dhinteen saaxiibadooda shaqo, lana ciidsiiyo maadaama waalidiintoodu ay geeriyooday iyaga oo bulshada Soomaaliyeed u adeegaya.

Agaasimaha Radio Shabeele Abuukar Sky oo isna munaasabadda lacagta lagu qeybinayay ka hadlaya ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo si wada jir ah xaqul-ciid loo siiyo carruurtii ay wariyaashu ka dhinteen, waxa uuna intaas ku daray in ay muhiim tahay in la sii joogteeyo ka warqabka agoonta wariyaasha.

Munaasabaddan lacag qeybinta oo ka dhacday Beerta Nabadda ee Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa, Abwaan Cusmaan C/laahi Guure maareeyaha tiyaatarka qaranka, C/fitaax Maxamuud Siyaad Arizona Agaasimaha warfaafinta ee Gobolka Banaadir, C/laahi Xirsi Kulmiye Agaasimaha bariga iyo bartama Afrika ee Telefishinka Universal, Abuukar Sheikh Maxamuud Sky Agaasimaha Radio Shabeele, Wariye C/risaaq Catoosh, wariyaal iyo qaar ka mid ah waalidiinta carruura agoonta ah.

Previous Post

Carruur agoon ah oo la guddoonsiiyay deeq lacag ah

Next Post

Wasiirka Amniga oo Saxiixay Heshiis dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska oo ay ku baxeyso in ka badan 40-Milyan “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Amniga oo Saxiixay Heshiis dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska oo ay ku baxeyso in ka badan 40-Milyan “SAWIRRO”

Wasiirka Amniga oo Saxiixay Heshiis dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska oo ay ku baxeyso in ka badan 40-Milyan "SAWIRRO"

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In