Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad lagu taageerayay maamulka Galmudug oo lagu qabtay Johannesburg “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xaflad lagu taageerayay maamulka Galmudug oo lagu qabtay Johannesburg “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka qeybgalay bulshada qeybaheeda kala kuwaa oo isugu jiray culimo, ganacsato,waxgarad, haween, dhallinyarro, mas’uuliiyin ka socotay Dowladda Koonfur Afrika iyo mas’uuliin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Dhamaan dadkii ka qeyb galay xafladda ayaa waxa ay maamulka Galmudug gaar ahaan Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, ku-xigeenkiisa.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Ugu horeyntii Shariif Maxamuud Wehliye oo ka mid ah Waxgaradka magaalada Johannseburg oo isaga ka qeybgalay dhisidda Maamulka Galmudug ayaa yiri “Galmudug waa Galamudug aan ku dhisnayn fowdo iyo dhibaato iyo in dariska iyo dadka walaalaha ah ee la dagan inay dhibaatayso,balse u dhisan sida ay walaalahooda ula noolaadaan cidna ay dhibaatayn deegaan kalane dhibaatayn, maamulkana waxaan kula dardaarmaynaa Cabdikariiin Xuseen Guuleed”

Sidoo kale Prof Cabdiqaadir Cigaal oo isna ka hadlay ayaa sheegay in Galmudug ay tahay xudintii Dalka Soomaaliya, waxa uuna ka sheekayay taariikhda Soomaaliya.

“Galmudug waxa weeye xudintii Soomaaliya cadowga Soomaaliya dhowr jeer ayuu isku dayay inuu Soomaaliya, kala jaro,ma noqon caawane waxaan u dabaaldagaynaa Galmudug,ma ahan kaliya Galmudug balse waa Soomaaliyoo dhan”

Ganacsade Xaaji Muuse Ganjab ayaa isna sheegay in Galmudug ay ka dhacday doorasho xaq ah ka dhacday, isagoo dhanka kale sheegay in Galmudug ay tusaale wanaagsan u tahay.

“Doorshada xaqa ah ee ka dhacday Galmudug ayna ku jirin qolooyinka dariska iyo Beesha Caalamka xitaa ammaanka waxaa hayay Soomaaliya, codadka waxaa qeybinayay Soomaaliya,Galmudug meel cad ayay soo istaagtay Madaxweynaha xaq ayaa lagu doortay,C/kariin Guuleed Illahay ha u fududeyo xilkiisa” ayuu kusoo gobogabeeyay.

Uqeybsanaha Hiddaha iyo Tacliinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika,Cabdi Xalane Xirsi ayaa isna hambalyo iyo guubaabin u diray Galmudug.

“Waxaan rabaa inaan ku darmado dadkii walaalaha ee iga horeeyay ee Xafladan kasoo qeybgalay dhamaan oo ay muhiimadaydu ahayd Galmudug State oo kusoo biirtay Soomaaliya inaan iraahno hambalyo,madaxadeeda ugu sareeyo walaalkeyo C/kariin madaxweyne ku xigeenkeeda iyo Gudoomiyaha Barlamaanka iyo caam ahaan Umadda Soomaaliyeed qaas ahaan Galmudug “

Ugu dambeyntii Siihaya xilka Safiirka Safaaradda Mudane Ismaciil Caballa Soomane oo isna qudbad ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay Maamulka Galmudug una hambaleeyay.

“Waxaa sharaf ii ah inaan waxyar dulmaro Galmudug State heerarkii uu soo maray iyo heerarkii uu soo maray iyo dadaaladii la galiyay,Waxgaradka Gobolada Mudug iyo Galgaduud si ay u turuxaan bixiyaan khilaafaadkii ka dhaxeeyay dadka dega Goboladaasi,sidaa daraadeed waxaa loo sameeyay tiirar lagama maarmaan ah taasoo muujinayso bisayl iyo Soomaalinimo”

Intii ay Xafladda lagu taageerayay Maamulka Galmudug socotay waxaa qadka Telefonka kaga qeyb qaatay Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed oo isna dhankiisa ugu mahadceliyay dadkii kasoo qabanqaabiyay Xafladda iyo guud ahaan Soomaalida K/Afrika,isagoo kula dardaarmay inay taageeraan nabadda iyo horumarka kasocda Dalka,

Sidoo kale waxaa Xafladda inta ay socotay ay Dhalinyarro loogu magac daray Fanaaniiinta Galmudug soo bandhigeen Ciyaarro Hiddaha iyo Dhaqanka iyo riwaayad ka turjumaysay horumarka Galmudug taasoo soo jiidatay kasoo qeybgalayaasha.

Xafladda oo qaadatay saacado badan ayaa kusoo idlaatay jawi wanaagsan.

11401347_909504239133986_7565104186013600007_n 11748641_10153453584688459_1524282399_n 11751244_10153453584703459_493279994_n 11774714_10153453584733459_1702460489_n unnamed (1) unnamed (2) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (19) unnamed (20) unnamed (21) unnamed (22) unnamed (23) unnamed (24) unnamed

Cabdiqaadir Axad Warbaahinta Qaranka, Johannseburg.

Previous Post

Madaxweynaha: “Taageerada Boqortooyada UK waxay muhiim u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya’’

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In