Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad xusuus iyo duco ah oo Muqdisho loogu sameeyay Marxuum Maxamed Jaamac Cali “MJ”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Xaflad xusuus iyo duco ah oo Muqdisho loogu sameeyay Marxuum Maxamed Jaamac Cali “MJ”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

 Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xaflad duco iyo xusuus ah ugu qabatay xarunteeda Marxuum Maxamed Jaamac Cali “MJ” oo April 08, 2018 ku geeriyooday Muqdisho.

Xafladan ducada ah oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, qaar ka mid ah danjirayaasha Soomaaliya, qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada, diblomaasiyiin, samadoonno, indheer garad, aqoonyahanno iyo dad wax ku ool u ah bulshada, waxa ayna dhammaantooda Allah uga baryeen Marxuum Maxamed Jaamac Cali “MJ” in hoygiisa ka dhigo Jannada sare ee Alfardows.

Hadallo ay xafladda ka kala jeediyeen Danjire Dr. Elmi Ahmed Dualeh iyo Xildhibaan Dr. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa ammaan iyo boggaadin u jeediyay howlihii uu qaranka u qabtay Marxuum Maxamed Jaamac, iyaga oo Allah uga baryay in qabrigiisa ka dhigo beer jannaad.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Cali Maxamed Cali “Cali bin Cali” ayaa ka qeybgalayaasha xafladda xusuusiyay in naf waliba ay geeri dhadhamin doonto waqtigeeda, dadkana looga baahan yahay inay ku waano qaataan, xusuusnaadaan Allah, waxaana uu u duceeyay saaxiibkiisii Marxuum Maxamed Jaamac Cali oo uu Allah uga baryay inuu u nuuriyo xabaasha, iilka neecaw udgooniyo, ku siiyo naruuro.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, ayaa saraakiisha iyo agaasinnada kala duwan ee Wasaaraddiisa uga mahadceliyay sida had iyo jeer ay u maamuusaan aaska iyo xafladda duco ee ay u qabtaan saaxiibadooda shaqada ee geeridu ay haleesho, isagoo muujiyay sida uu ugu qanacsanaa talooyinkii wax ku oolka ahaa ee uu ka helay Marxuum Maxamed Jaamac inta aanu geeriyoon, waxaana uu Allah uga baryay dembi dhaaf iyo naxariis.

Allah u naxariisto, Danjire Mohamed Jama Ali “MJ” waxa uu ka ahaa xubin firfircoon Guddiga dib u habeynta Wasaaradda, waxaana uu dalkiisa iyo dadkiisa u adeegayay muddo 32 sano, isaga oo muddo 13 sano ah u shaqeynayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, halka 19 sano uu u soo shaqeeyay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

 

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhiga XFS“Ciidamada uu Imaaraadka Tababaray qorshahooda waa la diyaariyay, dowlada ayaa la wareegeysa”

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo tababar u furtay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo tababar u furtay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo tababar u furtay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda "SAWIRRO"

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In