Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafladdii Caleemo saarka Saciid Dani oo laga dheehan karay Midnimada Ummadda Soomaaliyeed

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Xafladdii Caleemo saarka Saciid Dani oo laga dheehan karay Midnimada Ummadda Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Garawe ee Caasimad u ah Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa beryahaanba waxaa ka socotay qaban-qaabadii Caleemo saarka Madaxweynaha Doorashada ku guuleystay ee Saciid Cabdullaahi Dani, waxaana halkaasi isugu tegay Masuuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul-goboleedyda Dalka, Madaxweynayaashii hore ee Dowladda , Madax ka socotay Wadamada Dariska, dadweyne iyo marti sharaf kale, iyaoo ugu dambeyntii ay xalay fiidkii ka dhcaday munaasabadaasi goob si weyn loo qurxiyay.

 

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Balse inta aanan u gudagalin Xafladdii Xalay iyo Garawe aan marka hore wax ka tilmaamo sidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo loogu soo djaweeyay halkaasi, wuxuuna shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Maamul- Goboleedka Puntland, waxaana si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir Madaxweynaha Maamul- Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, K/Xigeenkiisa, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa salaan ugu istaagay kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada Garoowe, kuwaasi oo lulayay calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna dhawaaqayay ereyo ay ku muujinayan soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa, Madaxweynaha oo shir saxaafadeed ku qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wada jir ah loo abbaaro xaqiijinta himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka, wuxuuna ku ammaanay Shacabka iyo hoggaanka Puntland isku duubnida, isaga oo bogaadiyay doorashadii hufnayd ee ka qabsoontay Puntland.

Madaxweynaha Maamul- Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dhammaan wufuudda heer Federaal ee aqbalay casumaadda uu u fidiyey.

Xalay Fiidkii markii ay bilaabatay Munaasabaddii caleemo saarka ayaa hadallo qiimo badan ay ka soo jeediyay qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqan, Masuuliyiin sare iyo Siyaasiyiin, waxaana heeso maaweelo ah iuyo wacyigalin isugu jirta halkaasi ka qaadayay Koox Fanaaniin ah, ugu dambeyntiina waxaa goobtaasi khudbad ka jeeddiyay, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, wuxuu kaloo tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqeysa xaqiijinta himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida.

β€œQarannimada waxa lagu gaari karaa iyada oo la helo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo wadashaqayn iyo waxqabad leh. Wadashaqayntu waa iyada oo la wada tashado, la isu tanaasulo, wax la wada qorshaysto, loona turo shacabka Soomaaliyeed. Waanu ognahay meesha uu khilaafku ina gaarsiiyey dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.”, ayuu yiri Madaxweynuhu, wuxuuna intaasi raaciyay in dadaalkii dowlad-dhiska Puntland ay qeyb muhiim ah ka ciyaareen qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’udiin, Warbaahinta iyo Ganacsatada, ayna mudan yihiin in la aqoonsado doorkoodii miradhalka ahaa, laguna bogaadiyo.

Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, ayna tahay in loo midoobo dagaalka lagaga xoreynayo dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe ayaa waxaa lagu wadaa in uu kulammo gaar ah la yeelan doonaa madax Puntland, wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Haddaba xafladaasi caleemo saarkii Madaxweyne saciid Cabdullaahi Dani oo ay isugu yimaadeen Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku hadasha Afka Soomaaliga, islmarkaana ku dhacday si heer sare ah, laguna qabtay gogol si weyn loo qurxiyay ayaa waxaa la dhihi karaaΒ Caleemo saarkii Dani waxaa laga dheehan karay Midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

W.D: C/laahi Ruush

Previous Post

President Farmajo attends inauguration of new Puntland President

Next Post

Wasiirka waxbarashada XFS oo Garoowe uga qeyb galay Bandhigga Todobaadka Hiddaha Dhaqanka iyo Aqoonta ee Jaamacadda Boosaaso+Sawirro

Next Post
Wasiirka waxbarashada XFS oo Garoowe uga qeyb galay Bandhigga Todobaadka Hiddaha Dhaqanka iyo Aqoonta ee Jaamacadda Boosaaso+Sawirro

Wasiirka waxbarashada XFS oo Garoowe uga qeyb galay Bandhigga Todobaadka Hiddaha Dhaqanka iyo Aqoonta ee Jaamacadda Boosaaso+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In