Friday, October 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafladdii Caleemo saarka Saciid Dani oo laga dheehan karay Midnimada Ummadda Soomaaliyeed

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Xafladdii Caleemo saarka Saciid Dani oo laga dheehan karay Midnimada Ummadda Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Garawe ee Caasimad u ah Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa beryahaanba waxaa ka socotay qaban-qaabadii Caleemo saarka Madaxweynaha Doorashada ku guuleystay ee Saciid Cabdullaahi Dani, waxaana halkaasi isugu tegay Masuuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul-goboleedyda Dalka, Madaxweynayaashii hore ee Dowladda , Madax ka socotay Wadamada Dariska, dadweyne iyo marti sharaf kale, iyaoo ugu dambeyntii ay xalay fiidkii ka dhcaday munaasabadaasi goob si weyn loo qurxiyay.

Related posts

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ”-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

October 17, 2025
Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

October 17, 2025

Balse inta aanan u gudagalin Xafladdii Xalay iyo Garawe aan marka hore wax ka tilmaamo sidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo loogu soo djaweeyay halkaasi, wuxuuna shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Maamul- Goboleedka Puntland, waxaana si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir Madaxweynaha Maamul- Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, K/Xigeenkiisa, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa salaan ugu istaagay kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada Garoowe, kuwaasi oo lulayay calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna dhawaaqayay ereyo ay ku muujinayan soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa, Madaxweynaha oo shir saxaafadeed ku qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wada jir ah loo abbaaro xaqiijinta himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka, wuxuuna ku ammaanay Shacabka iyo hoggaanka Puntland isku duubnida, isaga oo bogaadiyay doorashadii hufnayd ee ka qabsoontay Puntland.

Madaxweynaha Maamul- Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dhammaan wufuudda heer Federaal ee aqbalay casumaadda uu u fidiyey.

Xalay Fiidkii markii ay bilaabatay Munaasabaddii caleemo saarka ayaa hadallo qiimo badan ay ka soo jeediyay qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqan, Masuuliyiin sare iyo Siyaasiyiin, waxaana heeso maaweelo ah iuyo wacyigalin isugu jirta halkaasi ka qaadayay Koox Fanaaniin ah, ugu dambeyntiina waxaa goobtaasi khudbad ka jeeddiyay, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka goโ€™an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, wuxuu kaloo tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqeysa xaqiijinta himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida.

โ€œQarannimada waxa lagu gaari karaa iyada oo la helo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo wadashaqayn iyo waxqabad leh. Wadashaqayntu waa iyada oo la wada tashado, la isu tanaasulo, wax la wada qorshaysto, loona turo shacabka Soomaaliyeed. Waanu ognahay meesha uu khilaafku ina gaarsiiyey dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.โ€, ayuu yiri Madaxweynuhu, wuxuuna intaasi raaciyay in dadaalkii dowlad-dhiska Puntland ay qeyb muhiim ah ka ciyaareen qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Culimaaโ€™udiin, Warbaahinta iyo Ganacsatada, ayna mudan yihiin in la aqoonsado doorkoodii miradhalka ahaa, laguna bogaadiyo.

Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, ayna tahay in loo midoobo dagaalka lagaga xoreynayo dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe ayaa waxaa lagu wadaa in uu kulammo gaar ah la yeelan doonaa madax Puntland, wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Haddaba xafladaasi caleemo saarkii Madaxweyne saciid Cabdullaahi Dani oo ay isugu yimaadeen Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku hadasha Afka Soomaaliga, islmarkaana ku dhacday si heer sare ah, laguna qabtay gogol si weyn loo qurxiyay ayaa waxaa la dhihi karaaย Caleemo saarkii Dani waxaa laga dheehan karay Midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

W.D: C/laahi Ruush

Previous Post

President Farmajo attends inauguration of new Puntland President

Next Post

Wasiirka waxbarashada XFS oo Garoowe uga qeyb galay Bandhigga Todobaadka Hiddaha Dhaqanka iyo Aqoonta ee Jaamacadda Boosaaso+Sawirro

Next Post
Wasiirka waxbarashada XFS oo Garoowe uga qeyb galay Bandhigga Todobaadka Hiddaha Dhaqanka iyo Aqoonta ee Jaamacadda Boosaaso+Sawirro

Wasiirka waxbarashada XFS oo Garoowe uga qeyb galay Bandhigga Todobaadka Hiddaha Dhaqanka iyo Aqoonta ee Jaamacadda Boosaaso+Sawirro

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ”-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ”-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

October 17, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika,...

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

October 17, 2025
0

ALi SHiGaL: Qaahira, Masar, 17-ka Oktoobar 2025: Iyada oo lagu guda jiro Todobaadka Shirweynaha Biyaha ee Qaahira (Meertada 8-aad), ayaa...

Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

October 17, 2025
0

Qaar kamid ah Wasiirada XFS iyo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanada Soomaaliya ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo ku howlan dib u dhiska xeryaha iyo awoodsiinta ciidanka

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo ku howlan dib u dhiska xeryaha iyo awoodsiinta ciidanka

October 17, 2025
0

Maamulka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo gacan ka helaya heyโ€™adaha maalgalinta ee ururkaasi ayaa ku howlan dib u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In