Waxaa wali dunida faraba an ku haya xanuunka safmarka ah ee COVID-19 waxaana dowladaha Dunida ay dadka kuladar daarmayaan in ay ka taxadaraan halista xanuunka COVID-19.
Dowladda Kenya ayaa dadkeeda ugu baaqday inay qaataan tallaalka cudurka COVID19 isadoona sidoo kale shaacisay in laga bilaabo dhamaadka bisha soo socota ay dalkeeda kusoo rogi doonto sharci ah in dadku aysan heli doonin adeegyada ay uga baahan yihiin xafiisyadda dowladda, Makhaayadaha iyo baabarka wadankaasi ilaa ay keenaan shahaadada muujinaysa in qofku uu qaatay tallaalka cudurka COVID19.
Dadka wadankaasi ka baxaya iyo kuwa soo galaya ayaa sidoo kale la waydiin doonaan shahaahada tallaalka. Sidoo kale Dhakhaatiirta Soomaalida ee Kenya ayaa Soomaalida dalkaasi ugu baaqay inay qaataan tallaalka cudurka COVID-19 si ay caafimadkooda iyo midka dadka kale ay u badbaadiyaan.