Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarumo maleeshiyada Al-Shabaab lahaayeen oo la bur buriyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo raashin gaarsiiyay Buulo-barde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo xarun  ah u aheyd Al-shabaab.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalkooda si gaar ah uga fuliyey ilaa iyo afar xarun oo Al-Shabaab rug u aheyd, kuwaas oo ay kamid ahaayeen xarun ay ku sheegeen saldhig boolis oo ay dadka lacago sharci darro ah uga qaadi jireen iyo sidoo kale xarunta maamulka u aheyd Al-Shabaab ee deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Sh/Hoose.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ayaa howlgalkaasi ku qab qabtay ilaa iyo toban ruux oo looga shakiyey in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, sida AMISOM ay sheegtay, waxaana howlgalkaasi uu qabsoomay iyadoo aaney jirin wax iska hor imaad ah oo Al-shabaab ay la galeen ciidamada iskaashanayey.

Saraakiisha ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa kulan la qaatay odayaasha deegaanka iyo qeybaha bulshada, iyadoo sidoo kale ciidanku dadka deegaanka ay u qeybiyeen daawooyin.

Saldhiga ciidan ee Al-shabaab lagala wareegay waxa ay maleeshiyaadka Al-shabaab ay u adeegsan jireen goob dadka deegaanka Baladul Amiin ay kaga qaadi jireen lacago baad ah oo ay ku sheegeen Al-Shabaab in ay tahay canshuur, sida ay qortay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Previous Post

Dhallinyaro la baray xirfado kala duwan oo shahaadooyin la guddoonsiiyay

Next Post

Waa nin ceykee ah:- Rajab Tayyip Ardogan

Next Post
Waa nin ceykee ah:- Rajab Tayyip Ardogan

Waa nin ceykee ah:- Rajab Tayyip Ardogan

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In