Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarun cusub oo loo dhisay ciidanka booliska ee qeybta miino baarista qaabilsan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddan xariga looga jarayay xarun cusub oo ay yeelanayaan ciidamada booliska ee qeybta miino baarista u qaabilsan, waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga gudaha, taliyaha ciidanka booliska, qeybaha kala dwuan ee ciidanka booliska, saraakiil kale ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxa ay ciidamada halkaasi ku soo bandhigeen dhoola tus ku aadan habka ay miinada u soo saaraan iyo sida looga hortago inay waxyeelo u geysato bulshada marka qarxinayaan, iyadoo dhismaha xarunta cusub ay gacan ka geysatay dowladda Canada.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa xusay in ciidanka booliska qeybta miino baarista u qaabilsan ay qabteen howlo muhiim ah, isla markaana ay yihiin koox uu ku faano taliska ciidanka booliska, ayna joogteynayaan tababar siinta ciidamada kale ee booliska.

“Kooxdan waa kooxda aan is dhihi karo kooxda ugu horeyso ee booliska Soomaaliyeed oo saddexdii qodob ee aas aasiga ahaa isku heysata, waxaana rajeyneynaa in maalinba qeyb ka mid ah booliska aan u tayeyno, oo qalabkii loo siiyo, oo daryeel ay helaan, waxana kaloo rabaa in aan halkaan amaan uga soo jeediyo taliyaha kooxda Gaashaanle dhexe Cabdikariin oo runtii isagu muujiyay hogaamin wanaagsan, kudayo badan ayay noo leedaya, koox waliba iyo hogaan waliba waxaan laga rabaa inay isku duubnaadaan, isla markaana ay fahmaan waajibaadka looga fadhiyo” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay inay tahay tallaabo lagu farxo sida ay ciidamada u tababaranyihiin, isla markaana ay uga go’antahay in shacabka ay ka difaacaan cadowga qaraxyada u maleegaya.

“Farxad ayay ii tahay in aan idinkala qeyb galo munaasabadan lagu furayo xaruntan cusub, runtii ku timid dadaal badan oo ay saraakiishu ku bixiyeen, runti aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay taliyaha meeshan Cabdikariin uu qabtay, waa wax lagu farxo, waa wax noo noqon karto tusaale fiican, waxaan soo jeedinayaa inay ku daysadaan hay’adah kale ee dowladda” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.

Previous Post

Wasaaradda caafimaadka oo qorsheyneyso inay dawooyin gaarsiiso deegaannada laga saaray Al-Shabaab

Next Post

Wasiirka Caafimaadka “Hal sano laguma arag Soomaaliya kiis la xiriira cudurka dabeysha” SAWIRRO

Next Post
Wasiirka Caafimaadka “Hal sano laguma arag Soomaaliya kiis la xiriira cudurka dabeysha” SAWIRRO

Wasiirka Caafimaadka "Hal sano laguma arag Soomaaliya kiis la xiriira cudurka dabeysha" SAWIRRO

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In