Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarun wicitaan oo Beeralayda Gulmudug loo sameeyay “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Xarun wicitaan oo Beeralayda Gulmudug  loo sameeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Galmudug  Mudane; Axmed Nuur Xaaji Cusmaan oo Maanta Dhuusamareeb ku shir Guddoomiyay Shirka  Billaha ah ee howl wadeenada Wasaaradda ayaa daah-furay numberka cabasho ee 406 oo dadwaynuhu  kusoo gudbin karo weerarada Ayaxu ka geysanayo deegaanada miyiga, si gurmad deg-deg ah goobahaasi u gaaro loona xakameeyo .

Wasaaradda Beeraha Galmudug ayaa ka dalbaday dadka Dagan dhulka Miigga ah inay soo wacaan Xarunta dhexe ee Cabashada oo si bilaash ah dadwaynuhu usoo garaaci karo numberka 406.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Kulanka Wasaaradda ayaa sidoo kale looga Arrinsadey sidii Beeraleyda Galmudug loogu diyaarin lahaa in ay kordhiyaaan wax soo saarkooda xili roobaadka bilaabmaya, isla markaana sare loogu qaadi lahaa gacan siinta ay ka helayaan Wasaaradda iyo hey’addaha Caawinya sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale Wasiirka Beeraha Galmudug ayaa kormeeray Xarunta cusub ee Wasaaradda oo laga hirgaliyey Magaalada Dhuusamareeb taasi oo dhismo ahaan ku haboon howlaha Wasaaradda qaybna ka ah dadaalada lagu hormarinayo Wasaaraddan oo ka mid ah kuwa aadka ugu howlan hormarinta Bulshada.

Previous Post

Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Kenya

Next Post

Natiijada Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka

Next Post
Natiijada Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka

Natiijada Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In