Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Xeerka Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed 2019

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka waxa ay si wadajir ah u billaabayaan Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay ka qeybgalayaan 30 degmo oo ka tirsan Gobollada dalka.

 

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Barnaamijkan,Β  waxaa gabagabadiisa lagu bixin doonaa abaalmarin lacageed iyo koobab, waana sannadkii 6-aad oo aan Qabano tartankan, iyadoo sannadkii saddexaad oo xiriir ah uu maal-gelinayo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartan Cilmiyeedkan wuxuu si toos ah uga bixi doonaa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Telefashinka Qaranka SNTV, halka akhristayaasheena ay ka daalacan karaan Webpage-ka radiomuqdisho.so iyo sntv.so

Qeybta hoose ka akhri Xeerka Tartanka.

XeerkaTartanka.

 

1-Β  Degmo kasta waa in ay ilaalisaa waqtiga tartanka.

  • Degmadu waa in ay xaqiijiso diyaar-garowgeeda tartanka maalin ka hor xilliga uu dhacayo.
  • Waa in ay tartamayaashu diyaar ku ahaadaan goobta iyo khadka ay barnaamijka uga qeyb galayaan ugu dambeyn 30 daqiiqo ka hor xilliga tartanka uu billaabanayo oo ah 9:30 Habeennimo.

2-Β Β Β  Degmadii maqnaata xilliga tartanka cudurdaar la’aan waxay la mid tahay iyadoo laga badiyay ama (Forfeit) dhibcaha ku weysay.

3-Β Β Β  Tartamayaasha waa in ay u tartamaan si asluubleh.

  • A- Kooxdii loo arko iney ku sifowday akhlaaq-darro, Guddiga tartanka ayaa go’aan ka qaadan doona.
  • B- Go’aanka guddiga waxa uu noqon doonaa dhibcaha tartanka ee habeenkaas
  • C- Guddigu waxa uu ka fiirsan doonaan ka qeyb-galka tartanka ee degmadaas

4-Β Β Β  Degmadii akhlaaq wanaag muujisa waxay heli doontaa abaalmarin gaar ah.

5-Β Β  Tartamayaashii wax tabanaya waxay cabashadooda soo gudbinayaan habeenka ay tartameyso degmadooda, Ma jirto cabasho la dhageysan doono maalinta kale.

6-Β Β Β  Su’aalaha loogu talo galay tartanka habeen kasta waa 14 , tartame kastana waxaa la waydiinayaa 7 su’aal, waana la badin karaa haddii ay tartamayaashu kala adkaan waayaan.

7-Β Β Β  Tartame kasta waxaa su’aasha loogu celinayaa Saddex Jeer.

8-Β Β Β  Waqtiga su’aasha looga jawaabayo waa haldaqiiqo iyo bar ama (90 Second).

9-Β Β Β  Xilliga Jawaab bixinta, Tartamayaasha waxaa loo yeerayaa 3 jeer oo kaliya.

10-Β  Jawaab kasta oo dhammeystiran waxaa lagu helayaa labo dhibcood.

11-Β  Jawaab aan dhammeystirneyn laguma helayo wax dhibco ah.

12-Β  Haddii ay su’aashu soo dhaaftoTartamayaashii la waydiiyay, waxaa si ka faa’iideysi ah loogu gudbinayaa kooxda kale.

13- Ka faa’iideysigu ma laha wax waqti ah iyo ku celin toona.

14- Haddii labada kooxoodba ka jawaabi waayaan su’aasha waxaa ka jawaabaya GuddigaTartanka.

15- Jawaabta la qaadanayo waa tan uu bixiyo afhayeenka tartamayaashu soo wakiishaan, khalad iyo sax wixii ay noqotaba.

16- Su’aalaha la waydiinayo tartamayaasha waxay noqon doonaan kuwo isu dhigma.

17-Waxaa mamnuuc ah in Wakiil laba degmo u tartamo

A: Wakiilkaas waxaan u aqoonsannahay degmada uu u diiwaangashan yahay

B: degmada kale ee uu u tartamay waxa ay waayi doonaan dhibcaha tartanka

18-Haddii mid ka mid ah degmooyinka tartamaya uu telefoonku kago’o ama ay si ulakac ah u gooyaan, Guddiga garsoorka tartanku waxa ay xaq u leeyihiin:

  • In ay su’aasha baddelaan.
  • In ay isla su’aashii waydiiyaan.
  • Qasab ma ahan in su’aasha dambe la mid ahaato su’aashii hore.

18-Β  Natiijada rasmiga ah ee tartan kasta waa midka uu ku dhawaaqo Guddiga marka tartanka la soo gabagabeeyo habeen kasta.

19- Guddiga Tartanka wuxuu ka digayaa wixii anshax xumo ah ee tartanka wax u dhimaya, sida khishka, laaluushka IWM, Tartamayaashii lagu helo waxyaabahaas ama wax u dhigma Guddiga wuxuu ka qaadanayaa go’aan adag.

Previous Post

Akhriso isku-aadka Wareegga 1-aad ee Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In