Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

XFS oo digniin adag u dirtay dadka been ‘abuurka ka faafinaya’ RW Rooble

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
December 25, 2021
in Wararka
0
XFS oo digniin adag u dirtay dadka been ‘abuurka ka faafinaya’ RW Rooble
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

September 9, 2025
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala oo goordhaw shir jaraa’id qabtay ayaa digniin u diray dadka dacaayadaha been abuurka ka faafinaya Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.
Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in dadka isku howlaya inay magac-dilaan Ra’iisul Wasaaraha ay caqabad u raadinayaan howsha socota ee doorashada oo danahooda gaarka ah ay ka dhex-waayeen, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in saraakiil iyo mas’uuliyiin dowladeed loo adeegsaday fidinta dacaayadahaas ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Qaranka.
“Waxaa runtii nasiib darro ah, in abaabulka dacaayadahaas loo adeegsaday saraakiil ciidan oo darajadii qaranka lebisan iyo qaar ka mid ah hey’adaha rayidka ah ee dowladda, Ra’iisul Wasaaraha oo u turaya dalka iyo dadka waxa uu go’aansaday in qaladkaas isla hey’adaha dowladda lagu dhex saxo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala.
Hase yeeshee nasiib darro waxa uu sheegay in guddiyadii loo xil-saaray baritaanka arrintaas magac dilka ku ah Ra’iisul wasaaraha ay la kulmayaan cadaadis ka dhan ah howshooda.
“Saraakiishii ciidamada ee loo xil-saaray baaritaanka arrintaas waxaa nasiib darro ah in faro-galin lagu sameeyey oo laga hor istaagay qaraaradii ay qaadan lahaayeen. Waxaan ognahay go’aanadii ay gaareen in la diiday oo dib loogu celiyey, taas oo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay abaabulkaas iyo sida la doonayo in lagu jaha wareeriyo oo lagu milo hey’adaha dowladda qeybo badan oo ka mid ah, gaar ahaan ciidamada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Al-Cadaala.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu uga digayo saraakiisha ciidamada Qaranka inay ku milmaan siyaasadda dalka, taas bedelkeedna ay gutaan waajibkooda oo dadka Soomaaliyeed ay ugu adeegaan si waafaqsan waajibaadka uu sharcigu siiyey.
“Waxaa lala socodsiinayaa cid kasta oo caadeysatay ku noq-noqoshada falalka ka baxsan sharciga oo dooneysa inay dano qaas ah ugu adeegto xafiisyada ay joogto, inay la kulmi doonto tallaabo anshaxeed iyo mid ciqaabeed oo ka jawaabeysa falalka ay ku kaceen,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta XFS.
Ugu dambeyntii wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in dalkaan uu ku jiro marxalad cakiran oo u baahan isku duubnaan, midnimo iyo badbaado lagu dhiirado, si looga gudbiyo isgoyskaan iyo marxaladaan adag.
“Xukuumaddu ma ogolaan karto in tallaabooyin dhaca oo laga hor tegi karo ay keenaan in berri ay dadka Soomaaliyeed is dilaan oo dowladnimada Soomaaliyeed ay ku burburto, si sahlan oo dano shakhsi ah ku saleysan, sidaas darteed waxaan weydiisaneynaa shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagan xukuumadda oo u adeegeysa jiritaanka iyo danaha dowladnimada iyo umadda Soomaaliyeed, kana hufan danaha shakhsiga ah, xalka kaliya ee dalkaan uu leeyahay waa doorasho iyo inay taaba-galaan waxii lagu heshiiyey, xukuumaduna intaas ayey ka shaqeyneysaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya.
Previous Post

Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada oo ka qeyb qaatay Barnaamijka Isxilqaan “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

September 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa u Magacabay Cabdullaahi Maxamuud Diiriye, Agaasimaha Santuuqa Qaran ee...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

September 9, 2025
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) oo kaashanaysa Sanduuqa Carruurta Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa magaalada Muqdisho ku daah-furtay shir wadatashi oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

September 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In