Tuesday, September 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

XFS oo sheegtay in lagu guuleystay in mudo ka badan hal sano aan dalka laga dhoofin wax dhuxul ah.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
November 21, 2019
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo soo dhawaysay Kacdoonka shacka Bakool ee ka dhanka ah Argagixiada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bayaan ka soo baxay wasaarada Xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dadaalka ay dowladu galisay joojinta Jarida iyo dhoofinta dhuxusha.

Bayaankaan oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa u qornaa sidaan:-

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

War saxaafadeedkan waxa uu ku saabsanyahay arrimo ahmiyad wayn u leh shacabka soomaaliyeed iyo horumarinta bi’adda oo aay wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed la wadaagayso shacabka
Soomaaliyeed. Warsaxaafadeedkan waxa uu si gaar ah u tilmaamayaa guulo laga gaaray jaridda dhirta, ka ganacsiga iyo dhoofinta dhuxusha oo dhibaato ba’an ku haysay bi’adda intii ka dambeysay dowladdii dhexe ee 1991.

Ahmiyadda yaraynta Xaalufinta Dhirta
Dhirtu waxa ay nadiifisaa hawada aan neefsanno, iyada oo CO2 ka nuugta hawada, siidaysana O2 ay nooluhu u baahanyihiin
sidoo kale dhirtu waxa ay nadiifisaa biyaha aan cabno.
Waxa daaq ka hela xoolaha aynu dhaqanno kuwaasoo lafdhabar u ah dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
Dhirtu waxa ay hooy u tahay duurjoogta dalka kunool.
Dhirtu waxa ay dhulka ka ilaalisaa nabaadguurka.
Dhirta waxa laga sameeyaa daawooyin,waxaana dhaqaale ka hela dadka ka ganacsada xabkaha iyo faleenka.
Sidoo kale dhirta waxaa ku hoos nool noolayaal kala geddisan(microorganism) oo nacfi u leh bi’adda, bacriminta carada,tayaysana wax soosaarka dalagyada
Dhirtu waxa ay soo jiidataa roobabka
Dhoofka dhuxusha waxa ay socotay illaa intii ka dambeysay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Dhoofinta dhuxushaas waxa ay sababtay in laga jaro dhir aad u badan guud ahaan dalka Soomaaliya. Dhoofintaas oo uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka soo saarey bayaan (2036) oo soo baxey sanadkii 2012, kaa soo lagu mamnuucayey dhuxul laga dhoofiyo Soomaaliya. Cilmi baaris ay wada sameeyeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo hayadaha UN ka oo ka caawiya dowladda
Soomaaliya mashruuca yaraynta isticmaalka dhuxusha (PROSCAL Programme) waxa
lagu ogaaday in muddadii u dhaxaysay 2011-2017 dalka Soomaaliya laga jaray qiyaastii 8 Milyan oo geed.

Waxa Sharaf ii ah inaan idinla wadaago waxqabad muhiim ah oo ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ,Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku howlaneed muddo dheer kana guulgaartay. Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in aan waddanka laga dhoofin dhuxul laga soo billaabo bishii Agoosto 2018, xilligaas oo laga joogo muddo ka badan sannad iyo saddex bilood, warbixintaas oo ay hay’adda UN Monitoring Group ku soo bandhigtay bishan Nofember Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayey ku ammaantay in xukuumadda
Federaalka Soomaaliya ay ku guulaysatay in ay joojiso dhoofka dhuxusha sharci darrada ah laga soo billaabo bishii Agoosto 2018 kii illaa maanta aan wax dhuxul ah laga dhoofin dhammaan dalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya . taas oo ah guul u soo hoyatay shacbiga Soomaaliyeed. Waa waqtigii ugu dheeraa oo aan waddanka dhuxul laga dhoofin tan iyo intii ka dambeysay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991.

Sidoo kale Xukuumaddu waxa ay walaac ka muujinaysaa inay wali jiraan goobo ka mid ah dalka oo ay wali ka socoto xaalufinta dhirta oo lagu diyaarinaaayo dhuxul si dibedda loogu dhoofiyo , haddaba xukuumaddu waxa ay ka codsanaysaa shacabka Soomaaliyeed inay ku soo wargaliyaan xukuumadda meelaha wali ay ka socdaan diyaarinta dhuxusha iyo xaalufinta dhirta ee dalka Soomaaliyeed .

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in ay badbaadiso dhirtaas la dabargoynayey in muddo ah, sidoo kalena waxay xukuumaddu qorsheysay, fulineysaana sidii ay dib u dhireyn ugu sameyn laheyd dhulkii la xaalufiyey.

Xukuumaddu waxay diyaarisay siyaasadda qaran ee dhuxusha, waxayna wasaaraddu ku howlantahay sharciga dhuxusha kaasoo wax wayn ka tari doono yaraynta isticmaalka dhuxusha ee gudaha iyo dhoofinta dhuxusha , sharcigaas oo lagu qeexaayo hab ciqaabeedka dadka ka shaqeeya ama dhoofiya dhuxusha. Sidaas oo kale xukuumaddu waxa ay dhiirrigalinaysay in ay shacbiga barto isticmaalka gaaska dabiiciga ah, si dadku u helaan tamar kale oo ay uga maarmaan isticmaalka dhuxusha. Waxa inoo qorsheysan in aan goor dhaw ka qeybinno gaaska la shito dhammaan caasimadaha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa aan kula dardaarmayaa shacbiga Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladdooda kuna gacansiiyaan sidii loo badbaadin lahaa dhirta,taas oo ka mid ah kheyraadkooda dabiiciga ah, Isla markaana ay ka shaqeeyaan dib u beeridda dhirta oo ay ku howlantahay.

      

Previous Post

Doorashada kursiga ka bannaan Golaha Shacabka BFS oo la shaaciyay waqtiga la qabanayo.

Next Post

Taliska AMISOM oo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan baariska dilkii Almaas Elman

Next Post
Taliska AMISOM oo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan baariska dilkii Almaas Elman

Taliska AMISOM oo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan baariska dilkii Almaas Elman

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In