Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xiisadda Mareykanka iyo Iiraan oo gaartay meeshii ugu sareysay

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Xiisadda Mareykanka iyo Iiraan oo gaartay meeshii ugu sareysay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Dalka Iiraan ayaa si cara leh ug ajawaabtay go’aankii dowladda Mareykanka eek u aadanaa xayiraada hogaamiyaasha Iiraan,iyo saraakiil sar sare kuwaasi oo laga xayiray in wax galangal ah ay ku yeeshaan suuqa dhaqaalaha Caalamka.

Waxaana talaabadaasi qaaday madaxweyne Donalda Trump,si looga jawaabo soo riditaankii diyaaradii aan duuliyaha layan ee Mareykanka ee lagu soo riday hawada sare ee gacanka Hormuuz ee Khaliijka,balse Iiraan ay sheegtay in lagu soo xadgudbay hawadeeda.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Abbas Mousavi  oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha ee dalka Iiraan ayaa sheegay in talaabada Mareykanka uu ku beegsaday hogaamiyaha ruuxiga ee dalkaasi Iiraan Aayatulah Cali Khameni iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladu ay ka dhigantahay in uu soo xirmay albaabkii wada hadalada dhinaca Diplomaasiyadda ee Mareykanka iyo Iiraan.

Geesta kale  John Bolton  oo ah lataliyaha dhanka amniga qaranka ee madaxweyne Trump ayaa ugu baaqay Iiraan in ay ogolaatay wadahadalada si loo dhameeyo khilaafaadka diplomaasiyadeed.

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Mareykanku uu qorsheynayo in wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Mohammad Javad Zarif liiska xayiraada uu ku rado.

Hasan Ruuxaani oo ah hoggaamiyaha dalka Iiraan oo ka hadlay talaabadaasin ayaa xusay in ficil xun ay tahay in la beegsado Aaayahtulah iyo saraakiisha sare ee Iiraan,wuxuuna xusay in hoggaamiyahaasi oo 80 jirka ah uusan doonayn in uu u safro dalka Mareykanka.

Madaxweyne Ruuxaan oo telfoonka kula hadlay dhigiisa dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay in hadii mareykanka uu ku xadgudbo sohdimaha Iiraan, ay ciidamada difaaca Iiraan ay qabaan amar ah in ay ka hortagaan Qatar kasta.

Mowjidaha siyaasadeed ee Bariga Dhexe ayaa cirka isku sii shareeray wixii ka dambeeyey markii Mareykanka uu ka baxay heshiiskii Nuclearka Iiran iyo quwadaha caalamka.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay Xuska Sannad-guurada 59aad ee 26-ka Juun

Next Post

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Shir caalami ah oo ka dhacay Talyaaniga

Next Post
Wasiirka Beeraha Soomaaliya  Oo Ka Qaybgalay Shir caalami ah oo ka dhacay Talyaaniga

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Shir caalami ah oo ka dhacay Talyaaniga

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In