Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Cabdixakiin oo u sharxan xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Cabdixakiin oo u sharxan xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Baarlamaannada Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kaasi oo ay ka qeyb galeen ilaa iyo shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji oo la hadashay Warbaahinta ayaa xustay in shirka uu maanta ka furmay dalka Koonfur Afrika, kaasi oo lagu dooran doona guddi hoosaadyada iyo xubno kale.

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

“Waxaa maanta furmay baarlamaanka Pan Afrika, kalfadhiga 4aad fadhigiisa 5aad, ayaa noo furmay, waxaan geli doonaa maanta wixii ka dambeeya doorashada guddiyada iyo tan Madaxweynaha, waxaana rajeynayaa in Soomaaliya ay qeyb muhiim ah ku yeelato”. Ayay tiri Xildhibaan Sacdiyo.

Xildhibaan Cabdicasiis Cabdulaahi Maxamed oo isna ka mid ah wafdiga Baarlamaanka Soomaaliya uga qeyb galaya shirka baarlamaannada Afrika ee fadhigiisu yahay dalka Koonfur Afrika ayaa tilmaamay in ajandayaasha shirka looga hadli doono ay ugu horeyso saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19 iyo arrimo kale.

“Waxaa la dooran doonaa guddoonka baarlamaanka oo shan ah, kuwaasi oo ka kooban shan dal, waxaa horey u baaqday arrimaha COVID-19 dartiis ilaa iyo afar shir, marka waxaan rajeynayaa in shirka uu si hagaagsan noogu soo idlaado, waxyaabaha laga hadlayo waxaa ugu muhiimsan caqabadaha dhaqaale ee uu Qaaradda Afrika ku keenay cudurka COVID-19, waxaana uu shirka socon doonaa ilaa 4-ta bisha June”. Ayuu yiri Xildhibaan Cabdicasiis.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka ayaa u sharaxan Madaxweynaha Pan African Parliament.

Previous Post

Wasiirka Haweenka oo Madaxweynaha Galmudug kala hadashay qoondada Haweenka “SAWIRRO”

Next Post

WHO oo sheegtay in Fayras cusu oo kamid ah Corona laga helay 53 deegaan oo ka tirsan Hindiya

Next Post
WHO oo sheegtay in Fayras cusu oo kamid ah Corona laga helay 53 deegaan oo ka tirsan Hindiya

WHO oo sheegtay in Fayras cusu oo kamid ah Corona laga helay 53 deegaan oo ka tirsan Hindiya

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In