Xildhibaan Eng. C/qaadir Carabow Ibraahim oo ka mid ah baarlamaanka cusub dalka, isla markaana dhawaan lagu soo doortay magaalada Jowhar ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono danta guud iyo waxyaabaha uu qabo sharciyada u degsan baarlamaanka Federaalka.
Xildhibaan Eng. C/qaadir Carabow Ibraahim oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xilka adag ee loo doortay, waxaana uu intaa ku daray in ka shaqeyn doono midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo u adeegidda shacabka.
“Waxaan u mahadcelinayaa inta ii codeysay iyo kuwa aan ii codeynba, sababtoo ah dhamaan dadka way ii simanyihiin, waxaana ahay Xildhibaan Qaran oo u diyaar ah in uu u adeego bulshadiisa” ayuu yiri Xildhibaanka.
Baarlamaankan cusub ee dalka ayaa waxaa ka soo muuqday dhallinyaro wax baratay oo fir fircoon, iyadoo taariikh cusub ay dhigeen dhallinyaradii ku guuleysatay kuraastii Aqalka Hoose ee deegaanada Maamul goboleedyada dalka.
Halkan ka dhageyso wareysiga Xildhibaanka