Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Jawaari Oo Si Rasmi Ah U Aqbalay In Uu Noqdo Musharax U Taagan Guddoomiyaha Baarlamaanka “DAAWO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Jawaari Oo Si Rasmi Ah U Aqbalay In Uu Noqdo Musharax U Taagan Guddoomiyaha Baarlamaanka “DAAWO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ahaa Guddoomiyiha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012-2016 ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay maanta in uu aqbalay codsi uga yimid Shacabka Soomaaliyeed oo ku aadanaa in uu mar kale isku soo taago xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Shir jaraa’id oo uu saakay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu yiri “kadib markii aan qadariyey xaaladda dalka uu marayo howlaha adag ee na sugaya, umadda Soomaaliyeed oo maanta u baahan iney hesho hogaan wanaagsan ha noqoto xaga sharci dejinta iyo fulinta, hogaankaas oo Alle ka raali yahay ,ma fududa xilka hogaaminta Baarlamaanka waxaan aad u qadariyey tallooyin iyo codsiyo badan oo iga soo gaarayey Shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ha ahaadaan Haween,dhalinyaro,siyaasiyiin iyo Xildhibaanno aad u tira badan oo iga codsaday inaan mar kale usoo istaago hogaaminta Golaha Shacabka”.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026

“waxaan aaminsanahay in xilka hogaaminta Baarlamaanka Soomaaliya oo ah saldhigga awoodda dowladnimada Soomaaliyeed waa xilka ugu culus seddexda xil ee ugu sareysa dalka oo ah tiirarka awoodda dowladnimada waa uu ka culus yahay xilka laanta fulinta, sidaas daraadeed aniga oo tixgelinaya codsigaas iyo tallooyinkaas badan waayo waxaa waajib ah markii sidaan oo kale laguu soo codsado waxaa waajib diini ah in aad ka jawaabto” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

“aniga oo ka jawaabaya codsigaas waxaan shacbiga Soomaaliyeed u sheegayaa codsigiinna iyo codkiinna waan maqlay waanna qadariyey, waxaan go’aansaday oo aan aheyn go’aan si fudud aan ku gaaray in maanta laga bilaabo aan ahay musharax u taagan Xilka hogaaminta Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taasi oo aan Alle Subxaanahu wa tacaalaa aan u tala saartay , waxaan Alle ka baryayaa in uu noo fududeeyo”ayuu si cad u shaaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

“qadarka Alle ayaa leh, go’aankan waxaa gaari doona Xildhibaannada Golaha Shacabka oo aan codkooda aad ugu kalsoonahay waxaanna u ballan qaadayaa Shacabka Soomaaliyeed in aan si caadil ah oo dhex dhexaad ah oo aan dhanjir aheyn aan ugu adeegi doono hadii ay ii doortaan markale in aan ku hogaamin doono Golaha Shacabka si caadil ah,, muwaadinnimo ku saleysan dhex dhexaadnimo insha Allah”.

Ugu dambeyntii Musharax Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in ay u muuqatay xiligan in aysan habooneyn in laga hakado hogaaminta dalka si gaar ah hogaaminta Golaha Shacabka waayo Baarlamaanka waa halka dalka laga bad baadin karo islamarkaana laga hogaamin karo waxaanna uu Alle ka rajeeyey in uu fududeeyey howsha hor taala isaga oo mar kalena ku celiyey in qaadashada go’aankan uusan aheyn mid si fudud uu ku qaatay.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Mudane Jawaari:-

IMG_0020 IMG_0058 IMG_0072 IMG_0083 IMG_0085

 

Previous Post

Qarax sababay dhaawac afar qof oo ka dhacay Muqdisho

Next Post

Cabdixakiin Cumar Cabdulle oo loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Hiliwaa

Next Post
Cabdixakiin Cumar Cabdulle oo loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Hiliwaa

Cabdixakiin Cumar Cabdulle oo loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Hiliwaa

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026
0

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee sida nabadda ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In