Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanada Aqalka sare oo Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in loo gurmado Shacabka Baladweyne+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanada Aqalka sare oo Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in loo gurmado Shacabka Baladweyne+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026

Xildhibaanada Aqalka sare ee laga soo doortay Maamul Goboleedka Hirshabeelle oo shir jiraa’id ku qabtay xarunta Golaha Aqalka sare ayaa waxay kaga hadleen dhibaatada ka taagan Gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne Fataahada uu ka sameeyay Wabiga Shabeelle.

Waxayna Senatarada ay baaq u jeediyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya,Hay’adaha samafalka,Ganacsatada iyo Aqoonyahnada Soomaaliyeed in gurmad deg deg ah lala gaaro Shacabka ka barakacay Xaafadahooda ka dib markii Biyaha Fatahaada ay ugu soo galeen.

Senator Maxamed Cusmaan Faarax oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee ka hadlay arrinta Baladweyne ayaa sheegay in dad badan guryahooda ay  kaga barakaceen Fatahaada,islamarkaana loo baahan yahay in si deg deg ah loogu gurmado Shacabka Baladweyne.

“ Sidad la wada socotaan dhibaatada ka taagan maanta Gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne,halkaasi oo dhib aad u fara badan uu ka dhacay oo ah Fatahaada Wabiga,waxaad la socotaan in dadkii ay barakaceen,geedaha saaran yihiin ,musqulihii iyo biyihii isku darsoomeen,yaxaaskii oo haddii la rabo soo galayo,shirkaan waxaan u qabanay inaan baaq u dirno Dowladda Federaalka,arrintaan waa arrin Emergency ah oo deg deg ah oo u baahan wax qabad deg deg ah,” ayuu yiri Senator Maxamed Cusmaan Faarax.

Sidoo kale,Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee laga soo doortay Hirshabeelle ayaa baaq u dirtay Dowladda Federaalka ah,Beesha caalamka,Dowladaha deriska iyo aduunka oo dhan iney caawinaad la soo gaaraan dadka ku dhaqan deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar oo saameyn ay ku yeesheen Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf ayaa tilmaantay in Fatahaada ay si gaar ah saameyn ugu yeesheen Qoysaska danta yar sida Haweenka iyo Carruurta oo aan heysan meel ay seexdaan waxay cunnaan,islamarkaana Biyaha ay ka dhalan karaan cuduro halis ah,iyadoona Dowladda Federaalka si deg deg ah uga codsatay in Shacabkaasi loo gurmado.

Senator Cismaan Axmed Macow” Waxaan mar kale ku adkeynayaa in Dowladda Federaalka,Beesha caalamka Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah,Culimada Soomaaliyeed,Ganacsatada iyo qof kasta oo Ilaahey wax siiyay maanta waxay taagan tahay maalintii wax lala baxayay oo sadaqada ay waajibtay,waxaana soo jeedineynaa in Bulshada Soomaaliyeed ay isku gurmadaan “ Soomaaliya wey isku gurman jirtay,’ Masiibadii  dhacday 14-kii October beesha caalamka nooma gurman anagaa isku gurmanay, Soomaaliya waxaan leeyahay maanta shanta qaarad Aduunka meel walba ay joogto Shacabka Hiiraan maanta Gurmad ayay u baahan yihiin”.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha samafalka ugu baaqay in wax laga qabto xaalada ka taagan magaalada Baladweyne lana caawiyo dadka barakacay.

Ugu danbeyntii,Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wata dadaalo loogu gurmanayo Shacabka magaalada Baladweyne gaar ahaan kuwa ay Fatahaada ay saameynta ka soo gaartay.

Previous Post

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo maanta qodobo muhiim ah ka hadlay+Sawirro

Next Post

Wasiir Xagaa “Falkan waa mid ay argagaixsadu ku dooneyso in ay ku xagal daaciso nabadgalyada ka hanaqaaday Galkacyo”

Next Post
Wasiir Xagaa “Falkan waa mid ay argagaixsadu ku dooneyso in ay ku xagal daaciso nabadgalyada ka hanaqaaday Galkacyo”

Wasiir Xagaa “Falkan waa mid ay argagaixsadu ku dooneyso in ay ku xagal daaciso nabadgalyada ka hanaqaaday Galkacyo”

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In