Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka hadlay xaaladaha bini-adanimo ee ka jira gobolada Hiiraan iyo Baay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka hadlay xaaladaha bini-adanimo ee ka jira gobolada Hiiraan iyo Baay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Golaha Shacab Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalafadhiga lixaad kulankii afaraad,kaasi oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha mudane Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulankooda maanta waxay kaga hadleen fatahaadda uu wabiga shabeelle ka sameeyay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo sidoo kale daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobolka Baay,kaasi oo sababay in dad shacab ah ka barakacaan deegaano ka tirsan degmada Bardaalle ee Gobolka Baay.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Xildhibaan Farxiya Muumin Cali ayaa mudanayaasha ka hor sheegtay dhibaatooyinka dadka shacab ah ka soo gaaray Fatahaadda iyo daadadka ka dhashay roobabka ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Baay,waxayna ku baaqday in si deg deg ah dadkaasi loogu gurmado.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in golaha shacabka ay mas’uuliyad gaar ah ka saran tahay in dadkaas loo gurmado.

Dhinaca kale, Xildhibaan Nuur Siidow Baaba ayaa golaha horgeeyay warbixin ku saabsan xaaladaha deegaan doorashadiisa oo ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ugu dambeyn,Guddoomiayaha Guddiga Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee gobolka shacabka xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa golaha u faah faahiyay akhrinta 2-aad ee wax ka bedelka sharciga furdooyinka oo uu guddiga wax ka bedel ku sameeyay.

Xildhibaanada golaha shacabka qaar ka mid ah ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay wax ka bedelka sharcigan lagu sameeyay,waxaana guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka mudane Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey oo kulanka soo xiray uu u mahad celiyay xildhibaanada aragtiyadooda oo uu sheegay in guddiga looga baahan yahay inay tixgeliyaan fikradaha xilhibaanadda.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Sucuudiga xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo arrimo muhiimad u leh labada dal. 

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay kadib ka qeybgalkii Shirkii Africa iyo Ruushka

Next Post
President Farmajo travels to Sochi, Russia to Attend the Russia-Africa Forum (RAF).

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay kadib ka qeybgalkii Shirkii Africa iyo Ruushka

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In