Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tallaabadii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay qaadeen oo laga soo horjeestay “SAWIRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Tallaabadii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay qaadeen oo laga soo horjeestay “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha labada aqal ee dawlad goboleedka Galmudug laga soo doorto shir ay isugu yimaadeen maanta, waxey walaac ka muujiyeen xaaladda xasilooni-darrada siyaasadeed ee ka soo korortay dawlad goboleedka Galmudug, taasoo abuuraysa qalqal iyo jahwareer hor leh xilli deegaanada Galmudug ay ka jirto duruufo adag oo isugu jira abaaro iyo colaad.

Mudanayaasha Labada aqal waxey ayagoo dhowraya madax-banaanida hey’daha dawlad goboleedka Galmudug, shuruucda iyo dastuurka Galmudug, ixtiraamayana golayaasha kala duwan ee maamulkaas, isla markaana garowsan mas’uuliyadda ka saaran horumarka iyo ilaalinta xasiloonida Galmudug, waxay ka digayaan falalka xildhibaanada Galmudug qaarkood & dad danaystayaal ahi ay horboodayaan ee lagu abuurayo qaska iyo qalalaasaha, kuwaasoo ay muuqato in ay lid ku yihiin jiritaanka iyo horumarka Galmudug, ayna ka faa’ideysanayaan dad cadow ku ah horumarka iyo xasiloonida Galmudug.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026

Mudanayaasha Labada aqal ee qaranka u matala Galmudug waxay si cad uga soo horjeedaan tallaabadii tiro xildhibaano ah taariikh 10-kii Janaayo 2017, shir ay ku qabteen xarun aan xaruntoodii aheyn ayadoo kalfadhigii baarlaamku xirnaa, ayna ku andacoodeen in ay xilka uga qaadeen madaxweynaha Dawlad goboleedka Galmudug, taasoo aheyd mid lagu degdegey, siyaasadeysneyd, dastuurka hareermarsaneyd, isla markaana ay gadaal ka riixayeen shakhsiyaad dano & damac siyaasadeed leh, oo u bareeray in ay majaxaabiyaan dawlad goboleedka curdinka ee Galmudug ee dadka Galmudug ay wada og yihiin dhibkii lagu dhisay iyo qiimaha ay ugu fadhido, falalka noocan ah haddii aan si wadajir ah looga hortagin waxey abuuri karaan qalalaase siyaasadeed oo ku fidi kara dawlad goboleedyada kale, xilli dalku ku jiro doorashooyin.

Mudanayaasha labada aqal waxay soo dhoweynayaan wadahadalka u furmay xildhibaanada Galmudug iyo madaxweynaha, kaasoo aan rajeyneyno in uu wadada u xaari doono isfaham iyo wada shaqayn horseedi doona xasilooni siyaasadeed oo dhex marta xildhibaanada iyo madaxda Galmudug, ayadoo mudanayaasha labada aqal ee heer federaal ay diyaar u yihiin in ay kaalin muuqata ka cayaaraan tallaabo kasta oo lagu xalinayo tabashooyinka xildhibaanada.

Gabagabadii, Waxaan waxgaradka reer Galmudug, hey’adaha kala duwan ee maamulkaas ugu baaqaynaa ilaalinta shuruucda iyo dastuurka u degsan Galmudug iyo in laga wada shaqeeyo horumarka iyo baraaraha shacabka Galmudug, ayadoo aan adkayneyno lagama maarmaanimada in aan xoogga isugu geyno gurmad u sameynta dadka iyo duunyada abaaruhu ku habsadeen ee ku nool deegaanada Galmudug, taasoo ka turjumaysa mas’uuliyadaha aan umadda u heyno iyo dareen bani’aadamnimo.

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA OO DALACSIIYAY ASKAR

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka arrimaha gudaha ee galmudug

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo sharci darro ah ku tilmaamay shirkii ka dhacay Cadaado

Madaxweynaha Galmudug oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka arrimaha gudaha ee galmudug

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In