Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Jaangoynta iyo Taya-dhowrka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Jaangoynta iyo Taya-dhowrka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka guud ee Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo uu  shir guddoominayay kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ waxaa ugu horeyn lagu dhaariyay Eng Cabdullaahi Cali Xasan oo ah wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Jaangoynta iyo Taya-dhowrka,waxaana golaha u Akhriyay Xildhibaan Daahir Cabdi Cabdulaahi (Dr. Go)  oo ah Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa ka dooday Xisaab xirka Miisaaniyadii 2017-kii waxaana golaha u faah faahiyay Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyada ,Qorsheynta iyo la xisaabanka Hay’adaha Dowladda EE Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Siraaji.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda qaarkooda ayaa su’aalo iyo talooyinba usoo jeediyay Guddiga iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo kulanka joogay.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaanadda weydiinayeen ,waxaana Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee golaha Shacabka oo kulanka soo xiray xildhibaanada uga mahad celiyay ka doodista Xisaab xirka 2017-ka,waxaana sidoo kale Xildhibaanadda Maanta Loo Qeybiyay Akhrinta 2-Aad Ee Wax Ka Bedelka Xeerka Saxaafadda JFS.

Previous Post

DAAWO: Wasaaraddda Waxbarashada oo joojisay Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare dalka

Next Post

Tartamayaasha Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka "SAWIRRO"

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In