Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda waxa ay kaga hadleen Hindise sharciyeedka Hanti-dowrka Guud ee Qaranka.
Kulfadhiga 6aad kulankiisa 16aad oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayna joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senator Mowlid Xuseen Guhaad ayaa waxaa looga hadlay Hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.
Senator Deeqa Xasan Xuseen Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Golaha Aqalka Sare ayaa golaha kahor akhrisay qodobada Hinse Sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka, iyadoo xustay in Hindise sharciyeedkan ay juhdi badan geliyeen maadaama uu yahay mid muhiim.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Aqalka sare oo is qoray ayaa qodobada qaar ka hadlay, iyagoo u badnaa Madax banaanida Hanti dhowrka.
Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.Golaha aqalka sare Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow oo ka hadlay qodobada ay ka doodeen Senatarada, ayaa u sheegay in dastuurka KMG ah qodobada madax banaanida ay u fiiriyeen, waxaana uu ka codsaday inay meel mariyaan sharcigan.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali Qoloocoow ayaa sheegay in Wasaaraddu ay mas’uul ka tahay dhaq dhaqaaqa Maaliyadeed ee dalka iyo Hantida Qaranka.
Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali ayaa golaha u sheegay in loobaahan yahay inay ku dadaalaan soo saarista sharci waxtar u leh dalka iyo dadka.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo fadhiga Golaha soo xiray ayaa tilmaamay in Guddiga looga baahan yahay uruurinta xogta iyo fikradaha Senatarada ay ka dhiibteen Hindise sharciyeedkan.