Waa kalfadhigii 4aad kulankiisa 5aad ee Golaha Aqalka sare oo uu shir guddoominayay Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa looga hadlay Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo samaynta hay’adda maareynta biyaha Qaranka.
Senator Ilyas Cali Xasan Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay heerarka uu hindise sharciyeedkan soo maray iyo wax ka badalka lagu sameeyay, isagoo ka codsaday Golaha inay meel mariyaan sharcigan.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Cismaan Libaax Ibraahin ayaa Xildhibaannada Aqalka sare u sheegay in Hindise Sharciyeedka ay ka muuqato in shaqo wanaagsan laga qabtay, waajibkiinana aad ka gudateen, wuxuuna golaha ka codsaday in ay ansixiyaan maadaama Wasaaradda howlo badan uga xayiran yihiin meel marinta sharcigan.
Ugu dambayn Guddoonka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo samaynta hay’adda maareynta biyaha Qaranka cod la galinayo ,
“Cod gacan taag ah ayaa loo qaaday 29, ayaa ogolaatay ma jirin wax diiday iyo cid ka aamustay sida natiijada uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo Samaynta hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka ayaa horay waxaa u soo ansixiyay Golaha Shacabka BFS, waxaa loo soo gudbiyay golaha aqalka sare oo ansixiyay, waxaana ugu danbayn loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si marka uu saxiixo uu u noqdo sharci rasmi ah.