Saturday, January 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha shacabka ansixiyay labo sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha shacabka ansixiyay labo sharci oo muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Golaha Shacabka Barlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Shir Guddoominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta yeeshay kulankodii 6aad kalfadhigiisa 6aad ee Golaha Shacabka, waxaana ay Xildhibaannada Akhrinta seddaxaad marsiiyeen wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, iyadoo Goluhu usoo gudbiyay Xoghayaha Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda Qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adda Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Intaasi ka dib Xildhibaannada  Golaha ayaa  cod geliyay wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, waxaana Codka haa ku ogolaatay 133-Xildhibaan laba Xildhibaan ayaa diiday, halka afar Xildhibaanna ay ka aamuseen sida uu natiijada codeynta ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Candiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay.

Related posts

DFS Oo Taageertay Shacabka Reer Awdal Ee Garab Istaagay Midnimada Soomaaliya

DFS Oo Taageertay Shacabka Reer Awdal Ee Garab Istaagay Midnimada Soomaaliya

January 3, 2026
Mudanayaasha Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Daawada

Mudanayaasha Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Daawada

January 3, 2026

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa mudanayaasha golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan.

Sidoo kale Xildhibaan Aadan Cali Xasan Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ayaa golaha usoo gudbiyay Akhrinta seddaxaad ee wax ka bedelka Sharciga furdooyinka, gaar ahaan qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay.

Xildhibaannada oo sidoo kale sharcigan cod geliyay ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 134-Xildhibaan waxaa diiday shan Xildhibaan, Halka seddax Xildhibaanna ay ka aamuseen.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta ka dooday Ajende horey uu goluhu ugu balansanaa oo ahaa in dood  laga yeesho soo xaadirista Xildhibaannada ee fadhiyada golaha, waxaana dooda ka hor Guddoomiyaha Golaha shacabka uu kaga hadlay muhiimada kalfadhigan iyo howlaha golaha horyaala.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka ayaa fikirkooda ka dhiibtay soo xaadirista Xildhibaannada iyo howlaha muhiimka ah ee Golaha horyaala kalfadhigan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in doodda ku saabsan soo xaadirista Xildhibaannada ee kulamada Golaha  uu sii socon doono, waxaana uu Xildhibaannadda uga mahadceliyay sida ay uga go’antahay dar dar gelinta howlaha Golaha horyaala.

Previous Post

Soomaaliya oo shirar iyo bandhigyo uga qeybgalaysa Dalka Qadar+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Beesha Caalamka Ka Codsaday In Si Degdeg Ah Ay Uga Qayb Qaataan Gurmadka Fatahaadaha

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Puntland ugu hambalyeey 21 guurada ka soo wareegtay Xilligii la unkay maamulkaasi

Ra'iisul Wasaare Khayre Oo Beesha Caalamka Ka Codsaday In Si Degdeg Ah Ay Uga Qayb Qaataan Gurmadka Fatahaadaha

DFS Oo Taageertay Shacabka Reer Awdal Ee Garab Istaagay Midnimada Soomaaliya

DFS Oo Taageertay Shacabka Reer Awdal Ee Garab Istaagay Midnimada Soomaaliya

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab...

Mudanayaasha Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Daawada

Mudanayaasha Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Daawada

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen maanta ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Daawada, taasoo ujeedadeedu...

Taliyaha Cusub Ee Dekadda Muqdisho Oo Xilkii La Wareegay

Taliyaha Cusub Ee Dekadda Muqdisho Oo Xilkii La Wareegay

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mas’uuliyiin ka tirsan Dekedda Muqdisho iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta gudaha saldhigga Dekedda si rasmi ah xilka ugu...

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NEW YORK):-Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan si rasmi ah ula soo wareegtay hoggaanka wareegtada ah ee Golaha Ammaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In