Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo Akhrinta 1aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Hubka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo Akhrinta 1aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Hubka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Maanta Shir Guddoomisay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 11aad oo uu wahlinayo Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow waxaana soo xaadiray 147 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

1.Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya.

Intaasi Kadib Guddoomiye Sacdiyo yaasiin Xaaji Samatar ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeysay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday Ciidanka14ka octoobar ee ku sugnaa kulliyadda jaalla siyaad ee Magaalada muqdisho Waxayna alle ugu bariday inuu caafimaad taam ah siiyo Ciidankii ku dhaawacmay iyo sidoo kale ciidankii ku geeriyoodayna uu janadiisa fardowsa kawaraabiyo.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhankooda aad ugu hadlay dhacdadaas  waxayna carbaka ku adkeeyeen in baaritaan sax ah lagu sameeyo ciidankaasi lagu laayay xerada jaala siyaad ee Magaalada Muqdisho Guddina loo saaro si ay ugu soo tala bixiyaan dhacdadaasi.

Intaasi kadib Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Cali Doodishe Ayaa Xildhibaannada ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya, isigoo u sheegay in hindise Sharciyeedkan uu Dalka iyo dadka uu Muhiim u yahay loona baahanyahay xildhibaanada in ay Ahmiyad gaar ah siyaaan.

Xildhibaannada ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya Iyagoona Su’aallo kaweeydiiyay qodobo kamid ah Hindise Sharciyeedka uu wasiirka hor keenay xildhibaanada ayaa su’aalahooda iyo doododa u badneeyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan Hindise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku Xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo soo xirtay kulanka maanta ayaa fartay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS si ay talooyinka Xildhibaannada iyo turxaan bixintooda ay ugu soo biiriyaan si markale Xildhibaannada Akhrinta labaad dood ugu yeeshan.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey madasha Shir Madaxeedka Dar e Salaam

Next Post

Guddoomiye Sheekh Aadan oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiye Sheekh Aadan oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Guddoomiye Sheekh Aadan oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In