RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan rasmi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Kulanka maanta ayaa mudanayaasha Golaha Shacabku waxa ay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Macdanta JFS. Ansixinta sharcigan ayaa timid kaddib dood iyo falanqeyn la xiriirtay muhiimadda uu u leeyahay horumarinta iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
141 xildhibaan ayaa u codeeyay oggolaansho Hindisahan,Laba xildhibaan ayaa ka horyimid, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.










