Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan ‘’Nuux’’ uu dhaariyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Howlaha guud dib u dhiska iyo guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa magaca guddoonka Golaha Shacabka shahaado sharaf ku guddoonsiiyay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo lagu abaalmariyay kaalintii ay ka qaateen dib u dhiska xarumo badan oo kuwo danta guud ah oo uu goluhu ka mid yahay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa saraakiishan ugu hambalyeeyay howsha wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan.

Intaasi ka dib Xoghayaha guddiga Maaliyadda, miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa  ka hadlay muhiimadda uu dalka u leeyahay wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka guud ee Dowladda, isagoo ka codsaday in goluhu ansixiyo sharcigan.

Xildibaannada Golaha Shacabka oo sharcigan cod u qaaday ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.

Dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa badankood isku aragti ka qabay wax ka bedelka Qodobka 10-aad ee sharciga guddiga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo mudo xileedkiisu uu ku ekaa Bishii September ee sanadkan, balse uu guddigu soo jeediyay In mudo afar sano ah loogu daro maadaamaa uu howlo muhiim  ah hayo, halka Xildhibaanadda qaar ay soo jeediyeen in gebi ahaanba guddigan dib u magacaabis lagu sameeyo.

Xildhibaanadda oo cod geliyay soo jeedinta Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ee ah in guddiga madaxabanana ee xuduudaha Federaalka  afar sano oo dheeraad  loogu daro mudo xileedkiisa ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan oo ah tirada Xildhibaannada kulanka joogay,sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xoghayaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geesey oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ayaa golaha uga mahadceliyay ansixinta labadan sharci oo dalka muhiim u ah.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa Xildhibaannada ka hor Akhriyay Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda dhiira gelinta maalgashiga, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaannada ay dhowr su’aal Wasiirku ka weydiiyeen Hindise sharciyeedkan.

Sidoo sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, waxaana ugu dambeyn kulanka soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

 

 

Previous Post

Safiirka Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya oo booqday Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo adkeeyey dagaalka ay Xukuumaddu ku wajahayso musuqmaasuqa “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo adkeeyey dagaalka ay Xukuumaddu ku wajahayso musuqmaasuqa “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo adkeeyey dagaalka ay Xukuumaddu ku wajahayso musuqmaasuqa “SAWIRRO”

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In