Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo guddi gaar ah u saaray fatahaadda Afgooye

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha shacabka oo guddi gaar ah u saaray fatahaadda Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay dadkii waxyeelada ka soo gaartay weerarkii maleeshiyaadka Al-Shabaab xalay ka geysteen Hotelka SYL.

Xildhibaannada waxa ay sidoo kale ka hadleen fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle, gaar ahaan Degmada Afgooye, kuwaasi oo ku baaqay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo, maadaama fatahaaddu ay barakacisay qoysas horleh.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in guddi gaar ah loo saari doono arrinta fatahaadda ee degmada Afgooye, kuwaasi oo la xiriiri doono cidda ay quseyso.si gurmad beni’aadannimo loo gaarsiiyo dadka ku barakacay fatahaadda, isla markaana Guddoonka Baarlamaanka uu la shaqeyn doono guddiga.

Intaas kaddib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sii amba qaaday ka doodista Akhrinta labaad ee sharciga doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo dhiibtay aragtidooda ku aadan wax ka badalka qaar ka mid ah qodobada sharciga.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay Xildhibaannada sida hufan ee ay aragtidooda ku biirinayaan sharciga Doorashooyinka.

“Xildhibaannada waxaan ka codsaneynaa in wixii fikir ah ee ku soo dhaca inta lagu guda jiro akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Doorashooyinka Qaranka inay soo qortaan oo ay u gudbiyaan guddiga, ka hor inta aan loo gudbin akhrinta saddexaad” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Cabsi laga qabo in markale uu fatahaad sameeyo Webiga Shabeelle ee Beladweyne

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo kaalmo gaarsiiyay dadkii ay saameeyeen fatahaadaha

Cabsi laga qabo in markale uu fatahaad sameeyo Webiga Shabeelle ee Beladweyne

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In