Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa Afaraad ,waxaana shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ee maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed oo uu soo diyaariyay guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee Golaha Shacabka,

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood kulul islamarkaana saacado qaadatay ka yeeshay hindise sharciyeedkan ayaa aad uga dooday qodobada hindise sharciyeedkan, muhiimada uu wadanka u leeyahay iyo sidoo kale hadii uu miisaaniyad leeyahay,waxaana kulanka ku sugnaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.

Guddoomiyaha guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Sheekh Nuur Cismaan ayaa sheegay in hindise sharciyeedkan uu hore u soo maray akhrinta koowaad islamarkaana uu marayo akhrintiisa labaad ,wuxuuna dhanka kale sheegay inuu miisaaniyadiisa wato maadaamaa dooda xildhibaanadda ee maanta ay ku qotontay miisaaniyadda hindise sharciyeedkan.

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Xildhibaannada ay aad uga doodeen qodobada hindise sharciyeedkan.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay guddoonka golaha uu deg deg u magacaabi doono guddi kasoo shaqeyn doona doodii xildhibaanadda golaha shacabka kulankii kan ka horeeyay ka yeesheen dhismaha hay’adaha madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn,si ay warbixintooda goluaha ugu soo celiyaan islamarkaana qaraar arintaasi ku saabsan goluhu soo saaro.













Previous Post

Wasiirkka Warfaafinta oo soo xiray Aqoon Isweydaarsiga heerka sare oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Hay’adda SoDMA oo waddo dhismaha Xarun loogu talagalay deryeelka dhaawacyada  

Next Post
Hay’adda SoDMA oo waddo dhismaha Xarun loogu talagalay deryeelka dhaawacyada  

Hay’adda SoDMA oo waddo dhismaha Xarun loogu talagalay deryeelka dhaawacyada  

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In