Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedyo la horgeeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedyo la horgeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfdhiga 4-aad Kulankiisa 8-aad ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed, akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha, qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee xisaab-xirka miisaaniyad sannadeedka 2022-ka iyo qeybinta Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga La-dagaalanka Burcad Badeedka iyo Ka hortaga Afduubka ee sharciga LR 36, 30 Abriil 1975-ta.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ugu horreyn ka dooday Sharciga Shaqaalaha Dalka, ayaa waxay sheegeen in waqtiyada shaqada aan cayimneen, iyagoo soo hadal qaaday in xuquuq loo helo kuwa ku naafoobay iyagoo u shaqeynaayo Qaranka lana ilaaliyo xuquuqdooda. Xildhinaannadu ayaa waxay xuseen in loo sinnaado shaqooyinka iyo waqtiyada la shaqeeyo, waxaana ay soo jeediyeen in la tayeeyo aqoonta iyo dhismaha qibrada shaqalaaha, loona sameeyo tababaro ku sabaansan shaqadooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa faray in Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqaalaha lagu wareejiyo Guddiga Arrimaha Bulshada si ay u soo turxaan bixiyaan ka dibna ay dib ugu soo celiyaan fadhiga Golaha Shacabka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo marti ku ahaa fadhiga Golaha ayaa xildhibaanada ka hor akhriyey Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacyaasha, isagoo ka jawaabay su’aalo ay weeydiiyeen Xildhibaannada, kaas oo inta badan looga dooday xuquuqda barakacyaasha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gunnaanadka kulanka soo xiray fadhiga maanta ee Golaha ayaa amray in Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Barakacyaasha lagu wareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka si ay ugu soo shaqeeyaan sharcigan.

 











Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo golaha shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeed muhiim ah

Next Post

Shir looga hadlayay xoojinta iyo dardargelinta Amniga oo lagu qabtay degmada Baraawe

Next Post
Shir looga hadlayay xoojinta iyo dardargelinta Amniga oo lagu qabtay degmada Baraawe

Shir looga hadlayay xoojinta iyo dardargelinta Amniga oo lagu qabtay degmada Baraawe

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Falastiin Varsen Aghabekian Shahin, ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee dalkiisu u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In